Xildhibaan Cabdibarre Yuusuf oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka ee Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in 100% ay ku kalsoon yihiin in ay ka mira dhaliyaan Mooshinkooda.

Cabdi Barre Oo uwaramayay SBC ayaa dhanka kale wax laga xumaado ku tilmaamay in lagu tilmaamo qas wadayaal iyagoo ka dhiidhiyay wax qabad xumada Madaxweynaha wax uu ku sheegay , iyo ku xad gudubka Sastuurka sida uu hadalkau dhigay.

“ shacabka Soomaaliyeed ayaan annagu afhayeen u nahay , wax allaala wixii qaranka Soomaaliyeed dib u dhac ku keenaya waan laaleynaa” ayuu yiri Xildhibaanku.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay qabtay shir jar’id oo u muuqday in uu isaga difaacayo Mooshinka laga geeyay Baarlamaanka ayaa sheegay in dowladdiisa ay wax badan qabatay islamarkaana aysan u dhutin doonin koox yar oo qas wadayaal ah Hindiso ay wataan oo uu ula jeedo Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay.

Hoos Ka dhageyso Wareysiga: