Xiisado dagaal iyo abaabul ciidan oo aad u sareeya ayaa laga soo sheegayaa qeybo ka mid ah gobolka Gedo Somalia, gaar ahaan deegaanada Xadka wadaaga ee ay kala heystaan labada dhinac ee is haya, waa dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo Xarakada Shabaab Almujaahidiin.

Ciidamo aad iyo aad u tiro badan ayaa ku qulqulaya dhinacyada gobolka Gedo sida Magaalada Baardheere kuwaas oo ka imanaya qeybo ka mid ah gobolada Baay, Bakool. iyo weliba jubooyinka, waxaana ay u socdaan ciidamada Xarakada Alshabaab ee ku sugan jiidaha dagaalka ay kula jiraan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya.

Waxaa ay sheegeen saraakiil ka tirsan xarakada Alshabaab oo saxaafada ka hadlay in ciidamada iyo abaabuylada soconayaa ay yihiin kuwo ay ku doonayaan in ay dib u soo celiyaan deegaano dhowaalahan ay DKMG ah kala wareegtay.

Waxaa ay sidoo kale ugu baaqayaan shacab weynaha gobolka Gedo in ay taageero buuxda u fidiyaan xarakada Alshabaab si ay yiraahdeen loogaga hortago xoogaga DKMG ah oo ay ku tilmaameen in ay ku soo duuleen gobolka.

Dhinaca kale Saraakiil iyana ka hadlay dhanka iyo degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo ka mid ah dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Dowlada maalmaha soo socda ay ku fooleeyihiin Magaalada Baardheere ee gobolka, iyagoona tilmaamay in ay ku jiraan u diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ay ciidamadu ku fulin lahaayeen howlahaas.

Maxamed Cabdi Kaliil gudoomiyaha gobolka Gedo ee dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa sagu sidoo klae ugu baaqay Dadka shacabka ah in aysan ka cararin goobaha ay ciidamada ku soo fool leeyihiin isalamarkaana ay dhamaan gacanta ku dhigidoonto dowlada deegaanada gobolka ayna ka saareyso xarakada Alshabaab.

Sikastoo ay ahaataba xiisadahan ayaa noqday kuwo saacadba saacada ka dambeysa isa siitaraya waxaana laga baqaqabaa in saacadaha soosocda ay qarxaan dagaalo ay isku qaadaan labadaasi dhinac.

Maxamed C/laahi Faarax
SBC International Muqdisho.