Wararka laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Baay gaar ahaan deegaano ku dhow Degmada Buurhakaba ee gobolkaasi ayaa xaqiijinaya in ciidamo ka tirsan xoogaga xarakada Alshabaab Almujaahidiin ay soo buux dhaafiyeen ka dib markii ay ka warheleen in ciidamo itoobiyaan  ah ay ku soo jeedaan gudaha degmadaasi .

Qaar ka mid ah Goobjoogayaasha ku sugan gudaha degmada Buurhakaba oo la hadlay Warqabadka SBC ee gobolkaasi ayaa sheegay in ay indhahooda ku arkeen ciidamo tiro badan oo xarakada Alshabaab ah, iyagoona halkaasi u yimaaday sidii ay dagaal ula geli lahaayeen cidamada Itoobiyaanka ah ee la sheegay in ay u soo ruqaansadeen dhanka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan Xoogaga xarakada Alshabaab oo la hadlay qaar ka mid ah idaacada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku soo fool leh gobolka ay cashar lama ilaawaan ah u dhigi doonaan, Waasida ay hadalka u dhigeene.

Sikastaba ha ahaatee waxaa laga soo sheegayaa Burhakaba in ay ka jiraan Xiisado dagaal, taasina ay dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasina ka muujiyeen cabsi xoogleh, iyagoona tilmaamay in ay ka baqanayaan khasaare ka soo gaara dagaal halkaasi ku dhexmara xarakatushabaab almujaahidiin iyo ciidamada Itoobiyaanka ah.

C/khaddar maxamed Siraad
SBC International Muqdisho.