Wararka ka imanaya Gobolada Baay iyo Barkool ee Koonfurta Soomaaliya waxay sheegayana in halkaasi ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo ku abaabul dagaal oo u dhexeeya ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo isku garab ah iyo xarakada Shabaab Almujaahidiin oo deegaanada goboladaasi ku sugan.

Warar hor u dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in ay dheceen dagaalo u dhexeeya dhinacyadaasi kuwaasi oo ay goobo ku kala qabsadeen dhinacyada dagaalamaya .

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in Deegaano xisaabsan gobolada Baay iyo Bakool ay gudaha u galeen ciidamada Itoobiya oo ay isgarabsanayan kuwa doowlada KMG ah,

Inkastoo aan wax dagaala ah laga soo sheegin gobolka Bakool, ayaa hadana waxaa ay wararku sheegayaan in ay jiraan xiisado dagaal iyo isku abaabul dagaal iyadoona la jaray gebi ahaanba isgaarsiinta gobolka .

Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Dowlada Itoobiya ayaa wacad ku maray in ay gacanta ku dhigayaan deegaanada Gobolada Baay iyo Bakool, iyagoona ka soo talaabay deegaano xadka kala wadaaga gobolka Gedo.

Sikastaba ha ahaatee wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya dagaal ku qabsadeen deegaan Lagu magacaabo Yurkub oo ka tirsan Gobolka Baay ka dib dagaal ayna iminka ku soo wajahanyihiin deegaanada kale ee ka agdhow sida ay xaqiijiyeen saraakiil DKMG ah oo Saxaafada la hadlay.

C/Casiis Ok
SBC International Garoowe.