Wararka ka imanaya Magaalada Buuhoodle Xarunta gobolka Ceyn ayaa sheegaga in saaka halkaasi ay ka jiraan dhaq dhaqaayo ciidan iyo isku abaabul dagaal oo ay wadaan dhinacyada halkaasi ku dagaalamay maalin ka hor .

Wariyaha SBC ee Buuhoodle ayaa soo sheegaya in uu soconayo isku hub urursi iyo weliba abaabulo Ciidan taas oo kasbi karta sida la filayo dagaal maanta markale halkaasi ka dhaca.

Ciidamada Difaaca Deegaanka Buuhoodle oo iyagu iminka ku sugan Gudaha Buuhoodle ayaa muujinaya u diyaar garow dagaal iyadoona dhinaca kale ee ciidanka maamulka Soomaaliland ay ku sugan yihiin duleedka .

Deegaanka Sooljoogto ee Gobolkaasi islaamrkaana ay ku suganyihiin ciidamada maamulka Soomaaliland ayaa isagana laga soo sheegayaa in ay ka soconayaan isku ababul dagaal oo ay wadaan ciidamada Maamulka Soomaaliland.

Sikastaba ha ahaatee Dadka rayidka ah ee ku dhaqan Buuhoodle ayaa muujinaya Cabsiyada Dagaal iyadoona qaarkood ay ka qexeen Deegaanka iyagoona u qaxay deegaano ka agdhow.

Cali Cismaan
SBC International Ceyn