Wararka ka imaanaya degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in xiisad iyo dhiilo colaadeed ay ka taagan tahay deegaankaasi, taasi oo laga cabsi qabo inay isku badasho dagaal dhexmara ciidamo dhawaan lagu soo tababaray wadanka Kenya iyo xoogaag xarakada Al-Shabaab.

Ciidamadan lagu soo tababaray wadanka Kenya ayaa la soo sheegaya inay ka soo gudbeen xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya & Kenya isla markaana ay ku soo siqayaan degmada Afmadow oo ay gacanta ku hayaan xoogaga Al-Shabaab.
SBC oo xiriir dhanka isgaarsiinta ah la sameysay dad ku sugan degmada Afdamow ayey inoo xaqiijiyeen in xiisad aad u xoogan ay ka aloosan tahay deegaankaasi, taasi oo ay dadku walaac ka muujiyeen in dhaqdhaqaaqyadan ciidan ay isku badaan dagaal halkaasi ku dhexmara ciidamada dhawaan tababarku ugu soo dhamaaday gudaha wadanka Kenya iyo xoogaga Al-Shabaab oo gacanta ku haya degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Xoogaga Shabaabka ayaa difaac aad u adag ka galey daafaha degmada Afmadow iyagoo u muuqanaya inay iska difaacayaan ciidamadan ujeedkoodu yahay inay kala wareegaan gacan ku haynta degmada Afmadow.

SBC News Desk