Xidhibaan ka tirsan Puntland oo Saaka lagu toogtay Magaalada Garoowe

Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa magaalada garoowe Caasimada Puntland saaka ku toogtay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Puntland kaasi oo lagu magacaabo Sheybe Sh Maxamuud.

Sida ay xaqiijinayaan Wararku xildhibaanka ayaa waxaa xiliga la tooganayay uu ka soo baxay Masjid ku yaala xaafada 1da August ee magaalada Garoowe kaas oo uu ku tukaday salaadii subax ee saaka.

Lama yaqaan ilaa iyo iminka heybta kooxaha dilay Marxuub xildhibaan Sheybe Sheeq Maxamuud waxaana xiriiro aan la sameynay laamaha amaanka ee Puntland waxay ku gaabsadeen in ay soconayaan baaritaano lagu doonayo in lagu ogaado ama lagu soo qabqabto cidii falkan geysatay.

Xildhibaan Sheybe Sh maxamuud ayaa ka mid ahaa xildhibaanada ugu fir fircoon baarlamanka Puntland waxaana lagu wadaa in saacadaha soosocda aas qaran loogu sameeyo magaaladaasi

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe

Daalacatey :2062

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print