Daalacashada Burhaan Axmed Daahir,

Xoghayaha Guud Ee Ururka Warbaahinta Puntlad, Xeerkiiin muddo ahba warbaahintu sugaysay, wasaaradda warfaafinta ee Puntland-na ay diidday in ay saxaafadda usoo bandhigtaayaa ugu dambayntii warbaahintu waxay heshay Nuqulkii u dambeeyay ee wasaaraddu diyaarisay.Xeerkani oo ka kooban 18 qodob ayaa intii diyaarintiisu socotay wasaaraddu waxaa ay diidday in haba yaraatee laga talogeliyo daneeyayaasha xeerkan oo bahda warbaahintu ay ku jiraan.

Xeerkani wuxuu la macno yahay waxa dadka xeerarka warbaahinta ka falloodaa ay ugu yeeraan ‘Castro effect’ media law – (xeerka warbaahinta Kaastaro) kaas oo ah hab ay adeegsadaan nidaamyada kelitaliska ahi si ay xannibaad adag u saaraan warbaahinta. Xeerkaa warbaahinta ee ‘Castro effect’ waxaa uu warbaahinta ku qasbaain ay is faafreebaan si ayan uga cadhaysiin nidaamka ay ku hoos shaqeeyaan. Mid ka mid ah hoggaamiyayaashii meelmariyay xeer leh dabeecadihii Castro-effect media law waxaa uu ahaa Nehru, Raisul Wasaarihii Hindiya.Sannadkii 1951 waxaa uu kusoo rogay suxufiyiinta ‘sharci.Sharcigaasi waxaa uu qeexayay “… damaanadda Dastuurku siiyay xorriyadda fakarka kama hor joogsanayso dawladda  in ay meelmariso xeerarlagu xakameeyo xorriyadda fakarka ‘si loo ilaaliyo danaha ammaanka qaranka, xidhiidhada saaxiibtinimo ee waddamada dibadda, nidaamka dadweynahaiyo anshaxa…”.

Xeerkaasi waxyaabo badan ayuu mamnuucay.Ciqaabaha uu dhigayayna waxay ahaayeen kuwo culus, waxaa ku jiray xabsi gaaraya lix bilood, gaanaax ilaa 2,000 rubbi ahoo u dhigma ($420).Qaaddiyaashu awood ayaa loosiiyay in ay amri karaan in lala wareego qalabka wargeysyada lagu daabaco iyo nuqullada qoraallada xambaarsan mawaadiicda la diidan yahay.Waxaa xiiso lahaa in sharcigani uu oggolaanayay in qofka lasoo eedeeyaa loo oggolyahay in uu dalban karo xeerbeegti ka kooban shan qof oo uu ku jiri karo qof ka tirsan xirfadleyda saxaafadda. Sharciga cusubi waxaa uu baabi’inayay xorriyaadka laga mamaarmaanka u ah warbaahintu.Wuxuu ahaa sharci islamarkaaba looga hortagi karo mucaaradad kasta oo sharci ah oo ka dhan ah xukuumadda.Haddii la soo koobo, sharcigii warbaahinta ee Ra’isul Wasaare Nehru waxaa la odhan karaa waxaa uu ahaa sharci warbaahin loo sameeyo kii ugu xumaa ee abid lasoo saaro. Balse waxa ay u muuqataa in maanta 62 sano kadib, waxa loogu yeeray XeerkaWarbaahinta Puntland ee aan weli la ansixin uu ka sii xun yahay oo ka xannibaad badan yahay kana macno daran yahay sharcigii Nehru.

Kolkii aan akhriyay xeerkan, iima soo bixin waxaan ahayn in uu yahay un ‘WAARDIYE’ ma naxariiste ah oo iridda lagaga gooyay warbaahinta. Wax kasta iyo tab kasta oo warbaahin lagu cabburiyo ayay ku dhigeen waxan ay ugu yeereen ‘XEER’ marka laga reebo in ayan u sheegin dadweynaha waxa ay dhegeysanayaan, daawanayaan, ama ay akhirin karaan.

Doorka dawladi ay ku yeelan karto xeer habboon oo warbaahineed waxaa weeye oo keliya in ay SOO DHEXGASHO (oo ka garnaqdo)  marna NIDAAMISO warbaahinta  si ayan u dhicin in warbaahintu faafiso macluumaad sharafdil ah iyo khiyaamo ama caasigarownimo. Xeerkan cusub ee Puntland labadaas ujeeddo ee asaasiga ah midna gudan maayo.

Xeerkan waxaa ku jira qodobbo badan oo aan warbaahinta la xidhiidhin oo si aan nidaamsanayn la isugu geeyay.Waxaa ku jira qodobbo isgaarsiinta khuseeya. Waxay ku dareen arrimo khuseeya sida ay hay’adaha warbaahintu u shaqeeyaan, oo ah mas’uuliyad u taal maamulka hay’adda warbaahineed, dakhli abuurkooda, qorasha iyo xulashada shaqaalaha warbaahineed iyo waxyaabo la mid ah. Arrimahani ma aha kuwo wax xidhiidh ah la leh sharci warbaahin. Keliya xeerkani waxaa loogu talo galay in lagu baqtiiyo warbaahinta Puntland.Waxaaba sidan uga fududaan lahayd dawladda in ay mamnuucdo dhammaan warbaahinta ka jirta Puntland.

Labada indhood ee xeerkani wax ku arko midi waa xannibaad midna waa dhaqaale. Waxaa ka maqan qodobbo aad u badan oo muhiim u ah shaqada saxaafadda,sidaanshaxa, kuwa qadafka (libel) la xidhiidha (maxaa ihaano ah iyo sida loo caddeeyo), shuruucda qaybinta mawjadaha, helidda xogta, ama galangal u lahaanshaha xogta taalla xafiisyada dawladda iyo kuwa kale ee gaarka ah, xadka warbaahinta dawladda (public media), tan gaar ka ah iyo tan bulsho iyo qodobbo kale oo muhim ah.Waxaa ka maqan xaqsoor madaxbannaan oo dhan.

Qodobbada khatarta iila muuqda in kooban oo mid ah aan halkan ku tilmaamo:

Qodobka 3aad: Waxaa uu jidaynayaa in qofka saxafiga ah ugu yaraan machad saxaafadeed, Dugsi sare ama leeyahay aqoon u dhiganta iyo khibrad shaqo ugu yaraan 2 sano.

Haddaba tani xadgudub bay ku tahayDastuurka iyo xaqa qof u leeyahay in uu fikirkiisa cabbiro oo qoraal ama cod ama si kale ku caddeeyo, weriyuhuna intaas ayuu qabtaa. Cabbiraadda fikirkana shahaado iyo dugsi iyo waayo aragnimo toona laguma xiri karo. Tafaftiraha idaacadda, taleefishanka,wargeyska ama website-ka ayay u taal qofka uu shaqaalaynayo sida uu ku xulanayo iyo tayadiisa go’aanka uu ka gaarayo.Qodobkani waxaa uu toos uga hor imanayaa Dastuurka Puntland iyo qodobkiisa 13aad eeXORRIYADDA FIKIRKA.Waxaa kale oo qodobkani ka hor imanayaaDASTUURKAJAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA Qodobkiisa 18aad – Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta oo tan warbaahintu ku jirto.

Maanta adduunka waxaa jira weriyaal waaweyn oo caan ah oo aan machad ama jaamacad saxaafadeed soo dhigan, laga yaabee in aynan dhammaysan waxbarashada asaasiga ah,kuwaas oo warbaahinta waaweyn ee dunida u shaqeeya.Haddii qofku uu doorto in uu saxaafadda ka shaqeeyo, uuna leeyahay tayo uu dadka wax ugu gudbin karo kuna soo bandhigi karo xaqiiqooyinka loo baaahan yahay, wax u diidi kara ma jiraan inuu weriye noqdo,marka uu garanayo nidaamka, siyaasadda, iyo maabaadiida hay’addiisa warbaahintu ku shaqayso iyo  sida uu qalabka uu ku shaqaynayo uu adeegsan karo. Go’aanka shaqaalaynta shaqsiga warbaahinta ka shaqaynaya waxaauu dhexeeyaa qofka shaqada doonaya iyo maamulaha ama tafaftiraha xarunta warbaahineed.

Qodobka 4aad: waxaa uu qorayaa –  weriyewaxaa noqon kara qofka dawladdu weriye u aqoonsan tahay oo keliya oo weliba buuxiya shuruudaha qodobka 3aad!!waa in wasaaradda warfaafintu kaar aqoonsi ah siiso weriyaha, (weliba kaarku waa lacag).

Haddii ay maanta kuu aqoonsato weriye berrina waa kaa qaadi kartaa aqoonsiga, waayo ninkii maanta leh xaqa bixinta aqoonsiga beerina xaqa la noqoshada aqoonsiga waa leeyahay.Tani waxay la mid tahay dawladdu hadday cid siiso fiise maanta berrina xaq bay u leedahay in ay kala noqoto fiisaha.

Aqoonisiga suxufiga marna dawladduxaq uma laha.Saxafiga shaqadiisa waxaa ka mid ah in uu dawladda ilaaliyo si aanay bulshada ugu xadgudbin.Adduunyadana ma jirto meel waddan xor ah oo demoqraadi ah saxafinimadu ku xiran tahay aqoonsi wasaarad.Saxafiga cidda aqoonsiga siinaysa ee inuu suxufi yahay caddeynnaysa waa ururkiisa ama hay’dda la aqoonsan yahay ee uu u shaqeeyo.

Qodobka 5aad: Faqradda 2aad waxaa ku taal‘Saxafigu kuma khasbana inuu sheego ilaha uu wararka ka helo haddii aysan liddi ku ahayn midnimada iyo nabadgelyada Dawladda Puntland’.

Maxay tahay macnaha ay tani samaynayso?Maxay tahay sababta loo doortayin weriyaha la qasbo marka warbixintu liddi ku tahaymidnimada’ iyo xasiloonida?’Taasi ma waxay ka dhigan tahay weriyuhu xadgudub kasta oo kale waa samayn karaa?Arrintan asalka ee macnaha samaynaysaa waxaa weeya,saxafiga ma lagu qasbi karaa,mise laguma qasbi karo in uu sheego iliiha warka?Shuqulladani (hadii aanay liddi ku ahaynmidnimada’ iyo xasiloonida)waa kuwa ay ku dhaqmaan nidaamyada aan dulqaadka u hayn warbaahinta xorta ah.Waa sidiiuu ku yimid xariggii Cabdicasiiss Koronto, weriyihii Muqdisho ee waraystay gabadhiisheegtay in la kufsaday.Marmarsiinyuhuwaxaa uu ahaa ‘sharafta ciidanka iyo dawladda’ ayuu wax u dhimay. Nidaam kasta oo karti daran ama cabburiye ah sidaan waa dhaqankiisa.

Xeerka saxaafadda Puntland ee law No.5ee soo baxay 1999 wuxuu dhigayaa in aan maxkamadi ku qasbi karin suxufiga in uu sheego ilihiisa warka. Balse xeerka cusubee hadda la wadaa waa sidan xusnay oo markaa haddii saxafigu ku khasban yahay in uu kashifo ilihiisa warka, kolkaa cidina uma warrami doonto saxafiga, maadaama weriyaha lagu qasbi karo inuu kashifo ilihiisa warka.

Qodobka lixaad: Faqraddiisa 1aad, qaybta A, waxaa ku qoran, ‘Qalabka warbaahinta waxaa ka reebban inay ihaano u jeediyaan diinta Islaamka ama diimaha kale iyo shaqsi kasta oo leh xasaanad’. Marka waa in sharcigu qeexo waxa ihaano ka ah Puntland? Ka sii darane xeerku qori maayo in aan qofna la ihaanayn karin, balse waxaa lagu koobay inta lehxasaanad’;–  waa madaxda sare un, sida madaxweynaha, baarlamaanka, wasiirrada, iyo kuwa darajooyinka sare haya! Haddii wariye ceebaha kooxahan taabto, kolkaa warku waa cadyahay qodobka lagu qaadayaa waa – ihaano loogeystay dad xasaanad leh!

Isla qodobkan 5aad, faqraddiisa 1aad, qaybta B, waxay leedahay warbaahinta waxaa ka reebban:

A)    Inay faafiyaan:

           I.            Warar iyo dacaayado waxyeelo u geysan kara nabadgelyada iyo xasilloonida, dhaqaalaha, deegaanka iyo danaha guud ee Dawladda Puntland;

        II.            Sirta Dawladda Puntland

Markasta waa khasab in sharciga si cad loogu qeexo arrimahan, sida ujeedada macnaha dacaayad, qeexid cad la siiyo arrimaha gaar ah sida nabagelyada.Maxay tahay Sirta Dawladda Puntland?Xog kasta oo dawladeed ma sir baa?Maxaa la sheegi karaa maxaase bannaanayn?

Ka warrama xariggii Cabdifataax Jaamac Mire ee bishii August 2010 lagu xiray Boosaaso?Qodobadii xukunkiisa loo adeegsaday kolkii uu Maxamed siciid Atam waraystay laguna xukumay xabsiga 6da sano ah iyo ganaaxa 500 oo doollar ah, iyo qodobadii loo adeegsaday Faysal Boston kolkii uu rag tuute qaba oo la bireeyay uu ku sheegay in ay ciidanka Puntland ka tirsanayeen, dabadeedna lagu xiray Boosaaso, xabsi bilo ahna lagu xukumay? Khaladka wariyayaashu galeenbalqiyaas? Sidaa oo kale qiyaas qodobbada loo adeegsaday xukunkooda kuwaas oo ahaa ‘ wax u dhimid nabadgelyo, argagixiso, iyo meelkaga dhicid sharafta ciidanka’. Wararka weriyaashani faafiyeen iyo qodobadan xidhiidhka ka dhexeeya bal malee. Maxaa ka dhexeeya.Maxay ku kala duwan yihiin xukunkooda iyo xukunkii weriye Cabdicasiiss koronto; weriyihii Muqdisho ku waraystay gabadha sheegtay in lakufsaday?

Qodobka 7aad: Kulli waa arrimo kusaabsan lacago laga doonayo warbaahinta iyo meherado kale ama ganasiyo kale sida footooyinka, goobaha ay yaallaan qalabka qoraallada sawira sida Photocopy, madbacadaha, xarumaha internetka laga adeegsado iyo kuwo kale. Lacagaha laga doonayo (3000 kun, 2500, 2000, 1000, 500, 200, 150 iyo ……).

Shaqada warbaahintu waa adeeg ama ganacsi la mid ah adeegyada kale ee Puntland ka jira.Hay’adaha warbaahintuna waxaa ay siin karaan dawladda lacag qudh ah (one fee). Balse hadda waxaa muuqata in warbaahinta laga doonayo laba lacagood – mid ay siinayaan wasaaradda maaliyadda iyo mid la siinayo wasaarad kale oo ah tan warfaafinta. Su’aal kale waxay tahay maxaa dhacaya haddii qof awoodi waayo in uu iska bixiyo ganaaxa laga filayo in uu bixiyo kolka uu galo qalad? Su’aalo kale oo iyana maanka ku soo dhacaysa waxaa weeye Yaa xaq u leh jaangoynta khidmadaha ama xaddidaya qiimaha (rates – $100, 200, 1000, 2000, 3000…)? Yaa maamula dakhli ururinta Puntland?Yaa xaq u leh in ay ka taliyaan xeer noocan ah?Xeerkani ma waafaqsan yahay Dastuurka?

Qodobka 8aad, faqradda 3aad, waxay leedahay–  Wargeys kasta oo ka soo baxa Puntland waxaa labo nuqul oo ka mid ah cadad kasta oo la soo saaro loo gubinayaa Wasaaradda warfaafinta ee Dawladda Puntland. Hagaag, markaa su’aashu waxaa weeye, maadaama wasaaraddu ruqsad siisay wargeyska oo khidmadda ruqsaddana laga qaado, labadan koobbi ee caddad kasta laga rabo, wasaaraddu ma iibsanaysaa mise bilaash bay ku qaadanaysaa?Sababta ay rabtose waa maxay?

Qodobka 9aad:Waxaa uu qodobkani qorayaa – Websaayt (website) kasta oo wakiil ku leh Puntland iyo qofka wax ku qora waa in laga diiwaangeliyaa wasaaradda warfaafinta ee dawladda Puntland iyadoo la bixinayo khidmadda ruqsadda sida ku xusan qodobka 7aad. Waxaa adag in la fahmo macquulnimada qodobkan.Sidee xaalku noqonayaa haddii website-kuaanu xarun ama xafiis ku lahayn Puntland?Sidee bay hay’ad warbaahin ruqsad uga goosataa dal ayan xarun ama xafiis ku lahayn? Tusaale ahaan, website-yada dalka dibaddiisa laga sameeyay lagana maamulo, ee wariyayaashu u joogaan Puntland ama taleefishannada dalka dibaddiisa ka diiwaan gashan saldhigyadooduna dibadda yihiin iyo idaacadaha caalamaiga ah ee weriyaal oo keliya dalka u joogaan ma ruqsad bay ka goosanayaan Wasaaradda warfaafinta ee Puntland?

Qodobka 12, faqradda 2, qaybta B: Waxaa ku qoran – Warbaahinta gaarka ah waa in ay la socodsiisaa Wasaaradda warfaafinta ee dawladda Puntland:Heshiis-qandaraaska ay ka qaadato hay-adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah kuna saabsan hawlaha warbaahinta iyo wacyigelinta.

Dalab cayn kan ah oo caqli iyo sabab la waafajiayay midna ayan jirin waa sidan oo kale.Idaacadaha caalamiga ah sida, BBC, VOA, iyo kuwo kaleba heshiisyada ay galaan sidee wasaaradda warfaafinta ee Puntland ama midda dalkale u marsiinayaan xaggee isugu iman karaan?Midda kale idaacadaha maxalliga ah maxaa heshiisyadooda ganacsi wasaaraddu u faragelinaysaa?Miyanaay hay’ado maxalli ah oo sharci ku dhisan ruqsadna haysta ahayn?Sidee ganacsigooda iyo heshiisyadooda loo farageliyaa?Maxay kaga duwan yihiin heshiisyada ay shirkadaha kale ee ganacsi ay la galaan dhiggooda?

Qodobka 14: faqraddiisa 3aad; wuxuu leeyahay Khimadda laysanka (license) ee wariyaha idaacadda qalaad waa 200 $ (labo boqol) doolar sanadkii.

Weriye ajnabai ah oo fasax iyo ID Card ay siiyo wasaaradda warfaafintu, kaarkaas oo khidmad loogu soosaaro ay jirto waa wax la yaqaan balse taasi laysin ma aha. Weriyaha muwaadinka ah isagu weriyenimadiisa iyo in uu warbaahinta dalka ama tan dibadda u shaqeeyo oggolaansho ugama baahna wasaaradda warfaafinta. Balse qodobkan ujeeddada wasaaraddu ka leedahay waa in ay lacag ka sameyso un shaqada weriyaha!

QODOBKA 16-aadCiqaab

  1. Cid kasta oo u gefta amase ka hor timaada xeerkan warbahinta waxay geleysaa dembi waxayna muteysaneysaa ilaa seddex bilood oo xarig ah ama ganaax dhan ilaa 3000 $ (seddex kun) doolar ama shillin soomaali u dhigma ama wadajirkooda (xarig iyo ganaax).
  2. Ciqaabta xarigga ah waa la gadan karaa iyadoo la raacayo sida uu qabo qodobka 112 ee xeerka ciqaabta.

Kadar oo debi dhal waa halkan. Labadan faqradood waxay kuu sheegayaan haddii aad hal qodob oo ka mid ah xeerkan aad ka hortimaadid ciqaabta kugu dhacaysa ( xarig saddex bilood ah ama 3000 doollar ama labadaba oo wada jira). Kaaga darane eedaha warbaahinta loo haysto xeerka ciqaabta ayaa lala aadayaa.Meeshan waxaa  dabool la saaray xeerka madaniga ah ee inta badan loo maro dacwadaha warbaahinta la xidhiidha sidauu yahay dhaqanka laga filan karo dal demoqraadi ah.

Midda labaad xeerka ciqaabta Soomaaliya qodobbo badan oo ka mid ah waxaa ay ka hor imaanayaan Dastuurka Puntland iyo kan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sababta oo ah inta badan xeerka ciqaabtu waxaa uu toos uga hor imanayaa shareecada islaamka sidaa daraadeed laguma dhaqmi karo, waxna laguma xukumi karo haddii uu shareecada ka horimanayo.Dastuurkuna sidaa ayuu qabaa oo sharci kasta oo shareecada ka hor imanayo uu baadil yahay.

Warbaahintuna waxaa ay xaq u leedahay in fasiraan oo ay dadweynaha u macneeyaan qodobada badan ee baadilka ah eeka buuxa xeerka ciqaabta Soomaaliyeed. Maxkamadaha Puntland waxay adeegsadaan xeer ciqaabeedyomid yahay SOMALI PENAL (CRIMAL) CODE oo soo baxay 1963dii iyo  (I CODICI E LE LEGGI PENELI A SOMALI) oo la qoray 1973 uuna qoray Ferrando Mantovani oo ahaa professor talyaani oo Jaamacaddii Soomaaliya ka tirsanaa. Sidee ayaan haddaba maanta innaga oo joogna 2013 ku nool dal leh dastuur dimoqraadi ah, qaadannay nidaamka dimoqraadiyadda axsaabta badan,dastuurkeennuna aanu kahor iman karayn shareecada aan u aqbali karnaa in warbaahinteenna loo adeegsado xeer ciqaabeedkan oo qodobadiisa in badan oo ka mid ahi ay Dastuurka ka hor imanayaan?Marna warfidiyeenku aqbalimaayaan in dacwadaha ka dhanka ah saxafiyiinta iyo shaqodooda lagu qaado xeerka ciqaabta ee 1973.

Gebogebo:Warbaahinta Puntland iyo warfidiyeennaba, xaqiiqda na hortaal waa taa. Ninkii seexan lahaa iyo ninkii ka dagaallami lahaaba.Xeer waa xeer haddii uu meelmaro oo la ansixiyana ku dhaqankiisa khasab ayuu noqon doonaa. Haddii xukummadda maanta jirtaa xitaa awood ay ku fuliso ay waydo cidkasta oo fursad u hesha ayaa fulin karta haddii aan wax laga baddelin.  Xeerkani haddii uu sidaa ku ansaxana wax xorriyad ah oo shacabka Puntland u bannaani ma jirto. Warbaahin xor ahina ma jiri doonto.Sharcigani ma aha kii ay warbaahinta dalkani iyo dadkani u baahan yihiin. 

Soojeedin: Saxafiyiinta Puntland waxay garaysanyihiin in Xaqa Xorriyadda Fakarka ee lagu damaanad qaaday Sharciga Caalamiga ah ee Xuquuqda Dadka, in uu ka mid yahay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqaha Rayidka iyo Siyaadda, Axdiga Afrika ee Xuquuqaha Dadka iyo Shucuubta, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka iyo Dastuurka Puntland.

Waxaan rumaysnahay in xayiraadaha saaran helitaanka warbaahin iyo xog madaxbannaan oo xor ah oo ka hirgasha Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya ay caqabad halis ah ku tahay dhismaha nabadda, horumarka bulshada iyo nidaamka dimoqraadiyadda axsaabta badan eeay hiigsanayso bulshada Puntland iyo tan Soomaaliyeed ba.

Iyada oo maanka lagu hayo in cawaaqib-xumadii laga dhaxlay cabburintii ra’yiga dadku ay galaafatay dowladdii Soomaaliyeed ee buburtay, qalalaasihii ka dhashayna weli laga soo kaban la’ yahay, waxaa maangal ah la garwaaqsado waddada keliya ee lagu hanan karo midnimo ummadeed, kalsoonida shacabka, horumar siyaasadeed, mid dhaqaale iyo nabadgelyo, in ay tahay in la ogolaado dood-wadaag ku dhisan aqlabiyadda kala duwanaanta ra’yiga iyo xorriyadda hadalka taasina ay saldhig u tahay in la helo warbaahin xor ah, horumarsan, xilkas ah oo waxdhista, taas oo ka madaxbannaan faragelin dawladeed, oo u hoggaansanta sharciga oo keliya.

Haddaba waxaan soo jeedinayaa in:

  1. Dawladda Puntland ay iswaafajiyo shuruucda warbaahinteeda iyo heerarka caalamiga ah ee Xorriyadda Fikirka iyo Helidda Xogta (access to information), dib-u-habaynna lagu sameeyo dhammaan shuruucda warbaahinta saameysa;
  2. Dawladda Puntland ay ka talo geliso inta lagu jiro marxaladaha geeddi socodka dib u habaynta sharciga warbaahinta dhammaan daneeyayaasha, oo ay ku jiraan bahda warbaahinta Puntland;
  3. Warbaahinta loo abuuro jawi iyo xaalad ay bulshada ugu gudbin karto xogta u sahlaysa helitaanka fursad ay kaga taliyaan arrimaha iyo go’aamada noloshooda saameeya iyadoo laga duulayo mabaadiida asaasigaa ee xaqa fikiraka xorta ah iyo xaqa is-cabbiraadda. Si warbaahintu u buuxiso kaalinta saxaafaddu kaga jirto halganka ummaddu ku hiigsanayso horumar nololeed oo xasiloon kuna dhisan Caddaalad, maamul-wanaag, iyo horumar ku salaysan daryeelka xuquuqda dadka oo la jaanqaada AhdaaftaHorumarinta Qaramada Midoobay ee Kunsanaalaha (United Nations Millennium Development Goals); 
  4. Dawladda Puntland ay xaqiijiso in wariyayaashu ay helaan badbaado ku filan si buuxdana loo baadho weerarrada loo geysto wariyayaasha, kuwa ka dambeeyana caddaaladda la horkeeno;
  5. Dawladdu ay dadweynaha u faafiso dhammaan sharciyada iyo siyaasadaha ay meel mariyaan baarlamaanka iyo xukuumaddu;
  6. Dhammaan shaqaalaha warbaahinta in ay xushmeeyaan, ilaaliyaanna sharciga, una dhaqmaan si anshax iyo xirfad leh marxalad walba;
  7. Xukuumadda Puntland iyo Ururka Warbaahinta ee Puntland in ay dejiyaan hannaan looga danleeyahay xoojinta xidhiidhkooda wadashaqayn;
  8. Bulshada caalamka iyo muwaadiniinta Puntland ay ka taageeraan Dawladda Puntland iyo Ururka Warbaahinta Puntland sidii ay u hirgelin la haayeen arrimaha kor lagu xusay.