Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka Eric Holder ayaa sheegay in ay baarayaan kiisas dil ah oo ka dhacay xabsiyo CIA ay ku leedahay Afganistan iyo Iraq.

Waxaa su aalo laga weydiin doonaa CIA-da dilka Gul Rahman oo bishii November sanadii 2002 ku dhintay xabsi CIA-du ku leedahay iyo Manadel al-Jamadi oo ku dhintay xabsiga Abu Ghraib ee dalka Ciraaq sanadii 2003.

Xeer ilaaliyaha guud ee dowlada Maraykanka Eric Holder waxaa uu sheegay in ay aqbaleen soo jeedinta in Kiisaskan baaritaan dheeri ah lagu sameeyo

Dowlada Maraykanka waxaa horay loogu eedeyay tacadiyo kala duwan oo ay Ciidmadeedu ka gaysteen wadamo dhowr ah oo ay ku duuleen,iyadoona xabsiyada Ciraaq sanadihii 2008 iyo 2009 ay ahaayeen wakhtiyadii ugu badnaa ee Maxaabiis lagu dilo gudaha xabsiyada ay Ciidamada Maraykanka iyo weliba kuwa CIA-du ay gacanta ku hayeen.

Hadii ay ku cadaato laanta dambi barista Maraykanka CIA-da dilka Maxaabiista Magacyadooda aanu kor kusoo xusnay,waxaana ay Laantaasi ku keeni doontaa sumcad xumo iyo weliba kalsooni la aan sida ay qabaan qaar ka tirsan Saraakiisha dhinaca ciidanka ee dowlada Maraykanka.

 SBC International Monitoring