Xarunta manta la dhagax dhigay ayaa la sheegay in loogu tala galay tayeynta iyo tababartada warbaahinta waxaana fulinteeda iska kaashanaya jamaacda PSU iyo hayada reif international oo maalgalinaysa.

Masuuliyin uu ka mid ahaa wasiirka warfaahinta Puntland madaxda jaamacada PSU  iyo ururka suxufiyiiinta Puntland ee map ayaa ka qayb glaay dhagax dhigii xarunta xusub ee loogu tala galay tayeynta warabaahinta Puntland..

Madaxa Jaamacada PSU Maxamud Sheikh Xaamid ayaa isna halkaasi ka jeediyay hadal waxaanu ku dheeraaday in xaruntani ay tahay mid faaiido u dhalineysa Saxaafada loona baahan yahay in laga faaiideysto.

Maxamed daahir yusuf saalim gudoomiye ku xigeenka ururka suxufiyiinta Puntland ee Map ayaa soo dhawayey hirgalinta xarunta cusub Waxaanu sheegay in waxbadan ka tari doonto tababarada iyo hormarinta warbaahinta  Puntland.

Wasiirka wasaarada warfaafinta isgaarsinta hidaha iyo dhaqanka Puntland Axmed Cali Askar ayaa dhankiis ku tilmaamay yagleelida xarunta cusub mid aad loogu baahnaa wasaaradiisuna ay ku taamaysa isla markaan  gacan ka gaysan doonta tababarada suxufiyiinta.

Waa markii u horaysay oo xarun qaabilsan tayeynta iyo tababrada suxufiyiinta laga hirgaliyo degaanada Puntland .

Sawiro




Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe.