Xaruntaan oo fulinteeda ay iska kaashadeen hayada UNFPA iyo dalada Africa u qaabilsan ilaalinta iyo kahortaga tacadiyada carurta iyo haweenka ee ANPPICAN waxaana laga dhisay kaamka jowle oo dhanka bari xiga magaalada Garoowe kaasi oo ay ku nool yihiin barkacayasha ugu badan ee Garoowe waxaana la sheegay in xaruntan caafimaad loogu talagalay  haweenka uurkaleh  madaama ay ku nool yihiin meel ka baxsan magaalada isla markaana ay dhibaato ka haystay in gaaran goobaha hooyada iyo dhalaanka.

Munaasabda lagu furayey xarunta caafimaad waxaa ka qayb galay madax ka socotay wasaarada caafimaadka Puntland iyo hayada unfa dalada fulinaysay  iyo dadka barkacayaasha.

Bashiir Cabdi Shire oo tirsan ANPPICAN ayaa ka waranamay sababaha ay kaamka Jowle ugu xusheen in laga dhiso xaruntaan iyo cida loogu talagalay  waxaana uu sheegay in kaamka Jowle uu noqday kan ugu dadka badan xeryaha barkacayasha ee Garoowe ku yaala qiimayn ay ku sameeyeen saasana u xusheen ilsa makraan xarunta loogu talagalay haweenka uurka leh oo kaliya .

Isaaq Cabdi Xasan gudomiha barkacayasha Garoowe ayaa  dhankiisa sheegay in ay ad ugu baahnaye xurumo caafiamad  waxaana uu xusay in haweenka uurka leh ay dhibaato gaar ahaaneed qabeen maadama meesha ay dagan yihiin ay ka fogtahay magalada  oo aysan heli Karin gadiid gaarsiiya xarumaha hooyada iyo dhalaanka siwayna ay u soo dhawaynayaan xaruntii ugu xarantan caafimaad oo noqonaysa tii ugu horaysay ee loo sameeyo dadka barakacayaasha ah  dadka barkacayaashana ay u qorshaynayaan goobo caafimaad oo kale

Ku simaha agaasimaha guud ee wasarada caafimadka Puntland C.risaaq Xasan  ayaa madasha ka sheegay in wasarada caafimaadka Puntland ku howlantahay sidii barkacayasha iyo dadka reermiyiga ah looga caawinlahaa dhanka caafimaadka Sikastaba ha ahaate waa xaruntii caafimaad ee ugu horaysay laga hirgaliyo kaamamka barkacayasha Garoowe kuwaasi dhibaatooyin  kala kulma dhanka caafimaadka marka la eego nadaafada goobahaa ay ku nool yihiin oo aan wanaagsan  iyo  iyaga oo aan haysan  kharash ay isaga bixiyaan lacagaha caafimaadka

Sawiro









Maxamed Siciid
SBC International Garoowe