Xarakada Al-Shabaab ayaa ku soo bandhigay deegaanka Daynuunay ee duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay odayaal la sheegay inay ka soo baxeen xero ay ku tababarayeen mudooyinkii la soo dhaafay.

Odayaashan ayaa la sheegay inay qaadanayaan tababarka noocyada kala duwan ee ciidamada waxaana ay tababarka qaateen mudo bil ah, iyagoo cadeeyey inay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan dagaalada ay ku jiraan xoogaga Shabaab.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa hadal uu goobtii lagu soo bandhigay odayaasha tababarka qaatey wuxuu ku sheegay inay ka qayb qaataan sida uu sheegay difaaca  diinta & dalka ayna naftooda u huraan Jihaadka waa sida hadalka uu u yiriye.

Odayaasha tababarka ciidan qaatey ayaa la sheegay inay u dhaqaaqeen goobaha ay ka aloosan yihiin dagaalada ay ku lugta leeyihiin xarakada Al-Shabaab iyagoo ku hubaysan qoryaha garbaha laga rido ee RBG & PKM.

DAAWO SAWIRADA

Cali Ismaaciil (Cali Yare)
SBC International