Iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in caawa duqeyn loo geystay Degmada Afgooye ee Gobolka shabeellaha hose ayaa waxaa xilligan soo baxaya warar shegaya in warkaasi uu yahay been abuur la dhoodhoobay

Bar internet oo lagu daabaco wararka alshabaab ayaa lagu sheegay in warkaasi uu been yahay islamarkaasina aysan jirin wax duqeyn ah oo laga geystay Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana ay ku tilmaameen warkaasi inay baahiyeen idaacado Dano gaar ah leh

Saacado ka hor ayay ahayd markii uu soo baxay warka sheegay in la duqeeyay goob aad ugu dhow fariisimada alshabaab ee Degmada Afgooye

goobjoogayaal jooga Degmada ayaa u sheegay warbaahinta in dhowr gantaal ay ku soo dhaceen goob si aad ah ugu dhow gobo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamada Xarakada Alshabaab oo deegaankaasi gacanta ku haya

Weerarka duqeynta ah ayaa bogga Internetka ee Dowlada Soomaaliya waxaa uu ku sheegay in la duqeeyay goob ay shirk u la haayeen Masuuliyiin ka tirsan Alshabaab mana jirto wax war ah oo weli ka soo baxay Xarakada

SBC International Monitoring