Maamulka Xarakada Shabaab Almujaahidiin ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo waxa uu maalmihii ugu dambeeyay ka waday howlgalo lagu bur burinayo Qabuuro ay ku aasan yihiin dad oo ku yaala gudaha iyo hareeraha degamadaasi.

Sida ay xaqiijinayan dadka deegaanka waxaa ilaa iyo iminka la bur buriyay ku dhowaad 33 qobuuro ah iyadoona howlgalada Maamulkaasi uu wado uu galay maalintii shanaad (5aad)

Sh Aadan Maxamed Bare (Aadan Nuux) oo ah Madaxa warfaafinta Maamulka Islaamiga ah ee Alshabaab ee Baardheere ayaa u sheegay Xafiiska SBC ee Maamulkaasi ayaa dhankiisa xaqiijiyay in ay dhulka la simeen ku dhowaad 33 Qabuure, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay ahaayeen Shirkiyaad .

Howlgaladan ay kawadaan Maalintii 5aad Xarakada mujaahidiinta Alshabaab magaalada Baardheere ayaa ay ku tilmaameen mid loogaga hortagayo waxyaabaha Shirkiyaadka ah, waxaanu Howlgaladan ka mid noqonayaa Howlgalo ay Baardheere ka wadeen Ciidamada Xisbada ee Xarakada.

Si kastaba ha ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegay in howlgalada ay ku burburiyeen Qabuuradaasi Ciidamada Alshabaab ay ku duugnaayeen dad si weyn looga yaqaan Deegaanka gaar ahaana ka ahaa Culimo, waxayna intaasi raaciyeen qaarkood in ay mararka qaar qaab siyaaro ah u tagi jireen.

C/khadar Maxamed Siraad
SBC International Gedo