Xarakada Alshabaab oo ka mid ah xoogaga islaamiyiinta ah ee ka dagaalama koonfurta dalka Soomaaliya, laguna tiriyo ururada ka qeyb ah ururka Alqaacida sida ay horay u sheegteen iyaga ayaa caawa waxa ay shaaca ka qaadeen in Usaama Bin ladin uu ku geeriyooday weerarkii ciidamada Mareykanka ay ku qaadeen guri ku yaala duleedka magaalada Islamabad ee dalka Pakistan.

Bayaan ka soo baxay xarakada Alshabaab ayaa lagu sheegay in uu Usama Bin ladin uu ku geriyooday weerarkaasi iyagoo bayaan kooda ku sheegay in uusan waxba ui dhimi doonin dagaalada ay wadaan shabaab iyo alqaacida .

waxaa sidoo kale Bayaanka xarakada Alshabaab lagu sheegay weerarka lagu dilay  Usama Binladin uu ahaa mid fuleynimo .

Afhayeenka Dhinaca Howlgalada xarakada Alshabaab Sh C/casiis Abu Muscab ayaa wacad ku maray in ay ciidamada Alshabaab ay u aargudi doonaan Sh Usama Bin ladin, ugana aar gudi doonaan soodulayaasha ku sugan caasimada dalka isagoona ula jeeday ciidamada Amisom

Sh Abu Muscab ayaa sidoo kale sheegay in ay sii xoojineyso dagaalada ka socda caalamka iyo gudaha Soomaaliya dilka loo geystay  Usama Bin ladin, isagoona meesha ka saaray in aysan wax niyad jab ah ka qaadeynin ciidamada xarakada ALshabaab iyo kuwa Alqaacida .

Ugu dambeyntii bayaankan ka soo baxay Xarakada Alshabaab ee ku aadan qirashada dilka Sh Usama Bin Ladin ayaa ku soo aadaya xili Web ay leeyihiin Ururka Alqaacida lagu daabacay Bayaan ka soo baxay ururweynaha Alqacida, kaas oo lagu qirtay geerida Sh Usama Bin Ladin, balse waxaa xusid mudan in Bayaanada Alqaacida iyo Alshabaab ka soo kala baxay aan lagu shaacin Sheqsiyaadka kale ee la dhintay Sh Usama Bin Ladin .

SBC International News Desk