Wakaalada wararka AFP oo xiganeysa wareysi uu afahayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere uu siiyay Idaacada afka Alshabaab ku hadasha oo la yiraahdo Andalus waxaa uu ku sheegay inay qorsheynayaan weeraro kale oo ay ku qaadaan Dowlada KMG ee Soomaaliya

“Waxaan balan qaadaynaa in weerara ka dhanka ah cadowga ay noqon doonan kuwo sii socda maalinba maalinta ka danbeysa,” sidaa waxaa yiriCalidheere oo la hadlayay Radio Andalus.

Hadalkan cusub ee xarakada alshabaab waxaa uu ku soo beegmaya xiili qaraxii shalay qasaraha ka dhashay uu sii baxayay kaasi oo ay ku dhinteen dad badan oo aan waxba galabsan hase ahateen Xarakadu waxay sheegteen in muhiimada weerarkaas la gaaray.

Dhinaca kaleCalidheere waxaa uu sheegay in Qofka weerarka geystay oo ahaa wiil la dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Bashaar C/laahi Nuur kaasi oo uu sheegay in dadkii uu laayay ay ahaayeen kuwo muteystay in la dilo isaga oo sidoo kale xusay in dadkaasi ay yihiin Ehlunaar sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka hanjabaada ah ee ka so yeeray alshabaab waxaa uu fariin cad u diraya sidoo kale Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa amisom oo muqdisho u jooga Taageerada Dowlada Soomaaliya.

DOwlada KMG ee Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay ka dib qaraxii shalay inay feejignaan dheeri ah ka geli doonto Weerarada isdabjooga ah ee Xarakada alshabaab ay la damacsantahay goobaha dadka ku badan yahay.

 

Xigasho AFP 

Maxamed Deeq Cabdalla
mdeeq@allsbc.com
SBC International  Monitoring