Afhayeen u hadlay Xarakada alshabaab ayaa sheegatay Masuuliyada weerar qarax oo loo adeegsaday Gaari nooca xamuulka ah oo lagu qarxiyay Xarumo ka mid ah wasaaradaha Dowlada Soomaaliya iyadoo halkaasina ay ku dhinteen dad ka badan 50 ruux

Idaacada BBC-da qeybta dibadaha la hadashay ayaa sheegtay in Afhayeenka Alshabaab uu sheegtay inay Masuul ka ahaayeen weerarkan mana uusan faahfaahin sababta rasmiga ah ee ay u bartilmaameedsadeen gobo ay ku sugan yihiin dad ay ku jiraan ardey waxbarasho doon ah

Weli DKMG ee Soomaaliya wax war ah kama soo saarin weerarkan ay alshabaab ku qaaday xarumo Dowlada ay ku lahayd isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho

Masuul ka tirsan waaxda Gadiidka Degdega ah ee  ambulance oo lagu Magacaabo Cali Ruse waxaa uu sheegay in ku dhawaad 65 qof meydkood ay meesha ka qaadeen iyadoo 50 kalana ay ku dhawacmeen  oo kale kuwaasi oo loo qaday goobaha caafimaad

Qaar ka mid ah Dadka ku dhintay ayaa yaacsan wadooyinka goobta qaraxa kuwaasi oo jirkooda uu ka muuqanayo gubasho ba’an oo ka soo gartay Weerarka ismiidaaminta.

Xigasho BBC

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco SBC International

 SBC International Monitoring