Ka dib xukun dil toogasho ah oo ay dowlada Puntland ku fulisay 13 qof gelinkii hore maalin nimadii talaadada ee shalay ayaa waxaa war ka soo baxay xoogaga xarakada Alshabaab lagu sheegay in dadka ay dishay Puntland islamarkaana lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen xarakada Aanay ka tirsaneyn balse xarakadu u aar gudi doonto.

Shir Jaraaid oo uu saxaafada u qabtay Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in dadka la toogtay aanay ka mid aheyn xarakada Alshabaab balse Puntland ay u dishay asbaab kale waasida uu hadalka u dhigaye.

waxa uu intaasi ku daray in xarakada ay u aareyso dadkaas muslimiinta ah ee la toogtay waa sida uu hadalka u dhigaye, islamarkaana ay ka fulin doonaan deegaanada Puntland weeraro.

13ka Qof ee ay Puntland tiirka soo taagtay Maalinnimadii shalay ayaa waxaa sida la sheegay ku jiray kooxo lagu eedeeyay in ay ka mid yihiin xarakada Alshabaab kuwaas oo lagu helay falal ay ka geysteen gudaha Puntland siiba dilal qorsheysan oo loogeystay qaar ka mid ah culimaaudiinka Puntland.

Hadalkan ka soo baxay Xarakada Alshabaab waxa uu noqonayaa mid jawaab u ah xukunada dilka ah ee ay shalay ku fulisay Puntland 13 qof oo mid ka mid ahi tahay Haweeney, laguna eedeeyay Alshabaab in ay ka tirsanaayen.

SBC International News Desk.