Baardheere- Abaabullo dagaal iyo xiisado colaadeed ayaa waxaa laga dareemayaa qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo, iyadoo cabsi xoogan ay ka jirto magaalada Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo .

Ciidamada Dowlada KMG ah ee ku sugan Degmooyinka Baladxaawo, Luuq iyo Ceelwaaq ayaa waxay wadaan abaabulo dagaal oo ku wajahan degmooyin kale oo ka tirsan isla gobolka Gedo kuwaas oo ay ku sugan yihiin xarakada Alshabaab,

Ciidamada Dowlada KMG ah ayaa deegaanka Ceelwaaq waxay kaga soo ruqaan sadeen deegaanka Buusaar oo ilaa iyo 200km u jirta magaalada Baardheere taas oo ay sheegeen in ay ku wajahan yihiin, iyo degmooyin kale sida Garbahaarey iyo deegaano kale.

Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa iyagu sheegay in ay jihaad la galidoonaan ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya kuwa Ahlusuna iyo cidiikale ee Garbineysaba, iyagoona sheegay saraakiil ka tirsan in ciidankaasi ay doonayaan in ay carqaladeeyaan maamulada islaamiga ah ee ka jira deegaanada gobolka.

Sidookale dhaq dhaqaaqyada ayaa iyana dhankooda ay ka wadaa xarakada Alshabaab, waxaana si weyn loogaga dareemay dhaq dhaqaaqyada xarakada gobolada Baay, Bakool iyo Jubada hoose taas oo inta badan dadka ku dhaqan deegaanada gobolada ay ka miijiyeen cabsi xoogleh

Sikastaba ha ahaatee xiisadahan dagaal iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan ayaa waxay ku soo aadayaan xili gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya intooda badan ay ka jiraan abaaro baahay oo dhaliyay khasaare aad u tiro badan.

Maxamed C/laahi Faarax
SBC International – Muqdisho.