Xarakada Al-Shababa ee gacanta ku haysa gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta xaflad ka dhacdey deegaanka Ceelasha Biyaha ee u dhaxeeya Muqdisho & degmada Afgooye horin ciidamo ah oo isagu jira Tafaafiko & military ay sheegeen inay ka shaqeyn doonaan deegaanka Lafoole.

Saraakiil ka tirsan xarakada Shabaabka aoo halkaasi ka hadley ayaa sheegay in ciidamadan oo lagu soo tababaray degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ay isagu jiraan kuwa mootooyinka kaxeeya, kuwa loo tababaray inay sawiro ku qaadaan kaamirooyinka hadii shil dhaco & kuwa la barey habka gargaarka deg deg ah hadii shil dhaco.

Waaliga gobalka Shabeelada Hoose ee xarakada Al-Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa sheegay in ciidamadan ay soo qaateen tababar ay siiyeen macalimiin mudo dheer qibrad u lahaa hawlaha Taraafikiada, kuwaasi oo qaarkood leeyihiin qibad mudo 40 sano ah.

Sidoo kale waxaa goobtaasi ka hadley Sheekh Sahal Abuu Yaxya oo isna ka mid ah saraakiisha xarakada Al-Shabaab oo tibaaxay in ciidamadan ay ka qayb qaadan doonaan hawlaha Taraafikada loogana baahan yahay inay la shaqeyeen wadayaasha gaadiidka adeegsada wadooyinka gobolka Shabeelaha Hoose.

DAAWO SAWIRADA

SBC News Desk