Kulamada wacyigalinta Naas Nuujinta caruurta looga hadlayo ayaa ah kuwo maalintii labaad ka socda gudaha Magaalada Boosaaso iyadoo ay fulinayaan Save The Children iyo Boosaaso Hospitel waxaana maal galisay Hay’ada ECHO, Waana mid loogu tala galay in Hooyoyinka lagu dhiira galiyo inay ilmahooda nuujiyaan naaska.

Waxaana lagu qabanayay kulamdan wacyi galinta ah xarumaha Caafimaad ee ku yaala xaafadah Magaalada iyo meelaha Kaamamka ah iyadoo manta lagu qabtay kulankaa Xaafada 1,luliyo ee Magaalada Boosaaso.

Waxaana goobta wacyi galinta joogay Madax ka socotay Hayadaha , Dhaqaatiir ,Culimo,Hooyooyin iyo ilmo yar yar oo iaygu  ah kuwa la rabo in naaska la nuujiyo ,

Ugu horayntii waxaa halkaa ka hadlay Shiikh C/saaq Xuseen oo isagu ka hadlayay magac Culumada isagoo sheegay in arinta Hooyooyinka lagu wacyi galinayo ay tahay mid waajib ku ah isagoo sheegay in iyagana faa,ido caafimaad ay nuujintu u tahay ,wax kaloo uu sheegay in ay faa,idooyin badan ay leedahay Ilaahayna (SW) uu Quraanka noogu sheegay in Hooyada looga baahan yahay inay Ilmaheeda nuujiso mudo dhan labo sano  Ilmaha,

Sidoo kale wax uu wax badan ku dheeraaday in ay maasuuliyadu aysan sarnayn Hooyada oo kaliya ee Aabah looga baahan yahay wixii nafaqayn xaga hooyadah ah ,Hooyadana iyadana looga baahana yahayn inay si saxa u nuujiso Ilmaheeda haday rabto ilmo baari ah oo maskax wanaagsan hadii kalena uu caasi ku noqonayo waa hadaysan nuujin ,

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadashay Dr Maryan Cali Aadan oo iyana  in badan ka hadshay naas nuujinta faa,idad ay Hooyada u leedahay ,iyadoo sheegtay in ay cuduro badan ka difaacayso Hooyada haday nuujiso  ilamheeda .iyadoo ay sheegtay in aysan ku dhacayn Cudurka sonkaorta IWM  taasna ay tahay mid dan Hooyada u ah.

Ugu danbayntii waxaa halkaa hadalo ku aadan dhanka Caafimaadka iyo Mihiimada Naas Nuujinta ka hadlay Dr Maxamed Siciid Maxamed (Shaandheye) oo isagu sheegay in Naas nuujintu ay tahay Cunto wakhti walba  diyaar ah maalin iyo habeenba ,Dhaqaale ahaana waa cuntada ugu raqiisan  caalamka waxaana isagoo amuurahaa naas nuujinta ka hadlaya uu sheegay in ay inabadan uu ka qabto Caafimaadka Hooyada ,

Isagoo dhanka kalena ka hadlay faa,idad Tallalka isla markaana isagoo sheegay inay wax badan ay ka fiicantahay daawayntu ka hortaga isagoo dhamaan hooyoyinkii kula dardarmay inay ilamhooda tallalan sida ugu dhakhsiiyah badan

Wacayi galinta Naas nuujinta ayaa ah mid socondoonta  mudo sadex maalmood ah iyadoo sidoo kale ay jiraan fariimo ,iyo kulamo mudo socondoona oo dhamaantood ku aadan naas nuujinta .

Daawo Sawiro




Axmed Nuune
SBC International Boosaaso