12Bisha August waa maalinata ay Qaramda Midoobay u astaysay inay noqoto maalinta dhallinyarada adduunka waana maalin siwayn looga wada xuso caalamka guud ahaanba ,sidaasi si lamid aha waxaa maalintaani si wayn looga xusay Soomaaliya gaar ahaan deegaanda Puntland ,maalinimadii shalay ahayd ilaa habeenimadii xalay ahayd waxaa ka soconayay magaalda Garowe ee caasimada dowlada Puntland xaflado lagu maamuusayo maalintaani ayna ka soo qayb galayeen mas’uuliyiin ka socotay dowlada Puntland ,ururada bulshada rayidka ah iyo madax ka socotay hay’adaha caalamiga ah.

Xarunta Hay’ada Puntland u qaabilsan dhanka cilmi barista ee PDRC ayaa waxaa lagu qabtay xaflada si heer sare ah loo soo agaasimay iyadoo kaashanaysa dallada dhallinyarada ee gobalka Nugaal {MUDAN}xafladaani ayaa waxaa ka soo qayb galay dhallinyaro kakala timi gobalda kala gadisan ee deegaanda Puntland waxaana waxaana diirada lagu saarayay kaalinta uga aadan dhallinyarada horumarinta hanaanka dimmuqraadiyaynta iyo maamul wanaaga iyadoona intii ay xafladu socotay halkaasi lagu soo bandhigay filim ka hadlayay fikirka dhallinyarada ee ku aadan dimuqraadiyada lagana soo uruuriyay xubnaha ururada dhallinarada ee gobalada Puntland .

Waxaa sharaxaad badan ka bixiyay micnaha erayga dimuqraadiyada iyo waliba halka uu asal ahaan ka soo jeedadaba khabiir arrimahaasi ku taquaqusay arrimaha dimuqraadiyada iyo maamul wanaaga .

Waxaa isna hadal kooban ka soo jeediyay agaasimaha guud ee hay’ada PDRC C/rixmaan Cabdle Cismaan Shuuke ayaa soo jeediyey ujeedada Munaasabadaan waxaana uu sheegay in Maalinta Dhalinta ay Tahay Balse lagu Falanqaynayo Doorka Dhalinta ee Dimoqradiyadda  & Sidii ay uga Qaybqadan lahaayeen arimahaan soosocda.,

  • Doorka Dhalinta & Dimoqradiyada
  • Muujinta Figrada Dhalinyarada oo Midaysan
  • Hirgelinta Dastuurka & Taaba Gelinta Nidaamka Dimoqradiyadeed ee Puntland Higsanayso,
  • Soobandhigista fakir dhabta ah ee dhallinyarada ee ku aadan dimiqraadiyada.

Shuuke ayaa sidoo kale kula dardaarmay dhallinta inay ka qayb qaataan guud ahaanba horrumarinta dalka iyo qayb qaadashada arrimaha bulshada.

Waxaa iyana hadalo kooban hal kaasi ka soo jeediayay ururada dhallinyada oo matalayay gobalda gala gadisan ee Puntland dhammaantoodna waxa ay isla raaceen muhiimada ay dhallinyaradu uleeyihiin bulshada qaybaheeda kala duwan loona baahanyahay in la dhagaysto fikirkooda lana maalo maskaxda da’yarta.

Waxaa iyana xaflada fadhiyay xubno ka socday guddiga doorashooyinka Puntland ee dhawaanataq lagu dhawaaqay loogana soo jeediyay talooyin intii ay xafladu socotay,Gabagabadii aflada waxaa si rasmia h u soo xiray xaflaaasi wasiiru dowlaha qorshaynta iyo iskaahiga caalamiga ah ee Puntland C/aaqir Cali Xaashi oo xusay in bulshada ku dhaqan deegaanda Puntland ay u badantahay dhallinyaro loogana baahanyahay in ay ka qayb qaataan horru marka wadanka iyo horruminta hanaanka dimuqraadiyadeed ee hada bilowday wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay qaadan doonto muddo badan hirgalinta dimuqraadiyadu taasi oo ay soo wada maren wadamada isticmaala hanaankaani.

Munaasabadaani ayaa daba socotay ku wii ka horreeyay ee lagu maamuusayay maalinta dhallinyarada adduunka waxayna ku soo beegmaysaa iyadoo dhawaanta laga hirgaliayay deegaanda Puntland hanaanka xisbiyada badan laguna dhawaaqay guddiga doorashooyinka Puntland taasi oo ay sisiman u soo dhaweeyeen dhammaanba dhallinyarada ku dhaqan deegaanda Puntland.

Filo Sawiro……..

Yusuf Maxamed Maxamuud {yusuf yare}
SBC International Garoowe