Howlka General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho waxaa daqiiqado ka hor ka furantay Xaflada Caleemasaarka madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheeq Maxamuud.

Xaflada waxaa ku sugan Masuuliyiin farabadan oo ka kala socda Wadamada Africa iyo kuwa Caalamkaba kuwaasi oo maanta u jooga caleemasaarka madaxweynaha Cusub ee Soomaaliyeed.

Waxaa halkaasi hadalo ka soo jeedinaya Masuuliyiinta Halkaasi ku sugan waxaana ugu horeeyay oo hadlay masuuliyin uu ka mid yahay Raiisul wasaarihii hore ee xukuumadii ugu dambeysay Dr C/weli gaas waxaana uu ka hadlay arimo farabadan oo uu uga hadlayay xaaladihii uu dalku soo maray .

Waxaa xigay oo sheegay in uu ku faraxsanyahay xafladan in uu ka soo qeyb galo, masuuliyiinta kala ah Wasiiru dowlaha dalka Qadar arimaha Dibadda, Kaaliyaha madaxweynaha dalka Suudaan, Raiisul wasaare ku xigeenka sedaxaad ee Dalka Uganda, Raiisul wasaare ku xigeenka Turkiga , Wakiil ka socda jaamacada Carabta, Gudoomiyaha midowga Africa, raiisul wasaraha Itoobiya , iyo Weliba Madaxweynaha Dalka Jabuuti.

Dhamaantood waxa ay sheegeen in ay ku faraxsanyihiin ka soo qeybgalka Xafladan islamarkaana madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ugu hambalyaynayaan xilka cusub ee loo doortay uguna duceeyay in uu alle u fududeeyo.

Waxaa socota xaflada, waxaana halkaasi maanta ka dhici doonta isku wareejinta xilka madaxweyne nimo Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheeq Shariif Sh Axmed iyo Madaxweynaha Cusub Madaxweyne Xasan Sheeq maxamuud.