Waxaa manta lagu qabtay hallka shirarka Amal Plaza Gaalkacyo xaflad si weyn loo soo agaasimay, taas oo loo qabtay arday ka qalinjabisay la talinta qoyska islaamka ah, waxbarashadaas oo scholarship ahayd waxaa ku deeqday ALFARHA ACADEMY FOR FAMILY KNOWLEDGE UAE, waxaana kala shaqeynaysay AFLAH LEADERSHIP TRAINING ACADEMY,ardaydaas qalin jabisay oo tiradoodu ahayd shan arday, ayaa aad loogu riyaaqay.

Xaflada waxaa quraan ku furay Axmed C/risaq, oo akhriyey aayado quraanka kariimka ah.

Waxaa kalmad warbixin ah lagu soo dhaweeyey Mustashar Jamaludin Cawke, oo ah madaxa AFLAH LEADERSHIP TRAINING ACADEMY, isla markaas ahaa masuulka xiriirinayay barnaamijka waxbarasho ee ardayda ay ka qalin jabiyeen, Jamaludin wuxuu ka warbixiyey nidaamka ay wax ku barteen ardaydu, isagoo sheegay in tirada yar ee qalin jabisay ay keentay barnaamijka oo aad u cuslaa, isla markaasna u baahnaa dadaal weyn, waxaa uu sheegay in ardaydaan ay ahaayeen ardayda ugu grade sareysay ardayda barnaamijkan caalamka ka dhiganaysay oo boqolaal ahaa, wuxuuna u mahadceliyey Alfarha Academy iyo maamulkeeda.

Waxaa xaflada ka hadlay maamule ku xigeenka shirkadda Golis Maxamed Ciise Cismaan, oo sheegay muhiimada ay leedahay la talinta qoyska, isagoo raaciyey in hadii qoyska aan dhisan lahayn oo aan raaci lahayn culuumtaan ay barteen aanan la kulaneen dhibaatooyin badan oo Soomaaliya Haysta, isagoo ku nuuxnuuxsaday in Shirkadda Golis ay leedahay halku dheg ahaa “Golis iyo bahda waxbarashadu waa mataano” waxaana uu ballanqaaday inay garab istaagayaan barnaamijkaan qoyska ee Aflah wado.

Xaflada waxaa lagu soo dhaweeyey arday ka mid ah ardayda qalinjabisay oo kala ahaa Mustafa Abdirizak Asparo iyo Faaiza C/rahman Husen kuwaas oo muujiyey farxada ay qabaan iyagoo sheegay inay bulshadooda caawin doonaan, isla markaasna ay ku shaqeyn doonaan culuumta ay barteen.

 

Waxaa masuuliyiintii ka hadashay xaflada ka mid ahaa, Agaasimaha Idaacada Gaalkacyo Cawil maxamud Cabdi oo ah idaacada kaliya ee la bilowday Aflah barnaamijyo wacyi gelin ah, wuxuuna aad ugu hanbalyeeyey ardayda qalin jabisay iyo Aflah academy, isagoo ballan qaaday inay la shaqeyn doonaan dhamaan la taliyaasha qoyska ee wax bartay.

Sidoo kale waxaa xaflada ka hadlay Maamulaha iskuulka Xaaji Cali Biixi Abshir Farah Mohamed oo aad ugu hanbalyeeyey ardayda qalin jabisay sheegayna in aad loogu baahan yahay la talinta qoyska, waxaana uu aad u amaanay Aflah iyo Alfarha oo iska kaashaday barnaamij oon loo qabay.

Waxaa sidoo kale kalmadii aqoonyahanka la siiyey Ustaad Ilyaas Adan Ciid oo ah Aqoonyahan wax ka bartay Dalka Sudan, isla markaasna ahaa Maamulaha iskuulka Ibnu Cabaas, kaas oo aad u amaanay howsha waxbarashada, waxaana uu u mahadceliyey dhamaan Aflah iyo Alfarha oo iska kaashaday howshaan.

Waxaa xaflada soo xiray gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo sheegay inuu yahay barnaamij aad loogu oomanaa, waxaana uu soo jeediyey in tirada la badiyo, oo tibaaxay gobolka Mudug u baahan yahay boqolaal la taliyaal qoys, waxaana si weyn ugu hanbalyeeyey ardayda qalinjabisay, isagoo u diray dhamaan shacaba Soomaaliyeed hanbalyada Ciida.

Waxaana gudoomiyaha gobolku guddoonsiiyey ardayda shahaadooyinka.

Sawiro









Liibaan Qaran
SBC International Gaalkacyo