Deegaanka Rako Raaxo ee gobolkaasi Karkaar waxaa maanta ka dhacday Xaflad aad u balaran taasi oo ku aadan soo afjarida khilaafaad Colaadeed oo u dhexeeyay laba Beel oo gobolka wada dega .

Dooxada Dalko weyne ee Deegaankaas ayaa waxaa lagu qabtay Xaflad balaaran oo ay ka soo qeyb galeen Waxgarad. Odayaal, Maamulka, iyo weliba Labadii Beel ee walaalaha ahaa ee ay dhexmartay Colaada.

Waxa halkaasi lagu kala qaadanayay mago kala duwan oo u badan geel kaasi oo kala qaadanayay labada beel ee ay colaadu dhexmartay .

Beelaha walaalaha ah ee Magta kala qaatay ayaa waxay kala yihiin Cali Saleebaan iyo Muuse Saleebaan waxayna ka dambeysay tani ka dib kulan balaaran oo ka dhacay isla Degmada Rako lagu dhex dhigay labada beel Heshiis kama dambeysa islamarkaana la isu xukumay mag laga bixinayo  dadkii ku dhintay intii ay  Colaadaasi socotay.

Salaadiinta iyo Egooyinkii halkaasi ku sugnaa ayaa muujiyay in ay si aad ah ugu faraxsanyihiin howshan ka dhacday maanta Daqaweyne iyadoona ugu baaqay laba beel in ay ilaaliyaan walaalnimada iyo Nabadgeliyada wadanoolaanshaha.

Sikastaba ha ahaatee Xaflada oo aheyd mid aad u qurux badan ayaa ku soo gaba gabowday si ismarxabeyn iyo walaalnimo ku jirto.

Xasan Cabdi Fareey Gentle Man
SBC International Dalqaweyne