Xafladan oo ahayd mid abaalmarino lagu gudoonsiinayo Ardayda Kaalimaha Hore ka galay imtixaanka Teeramka Koowaad ee Waxbarashada Dugsiga Daarul beri ayaa lagu qabtay Xarunta weyn ee Iskuulka Daarul Beri ee Boosaaso waxaana Xaflada ka soo qeybgalay Masuuliyiinta waxbarasha Gobolka,Arday,Macalimiinta Iskuula Waalidiinta iyo Qeybaha Bulshada.

Ugu horeyn waxaa Xaflada Lagu soo dhaweeyay oo kaladama Furitaanka Qaatay Maamulada Dugisaga Daarul Biri ee Boosaaso Iimaan Yuusuf Maxamed Isaga ooo ka warbixiyay Heerarka uu dugsigan Soo maray iyo Muuhimada Xafladan.

Maamulaha Dugsiga ayaa sidoo kale xusay in dugsigooda Daarul Biri uu ardaya ka baxday ay ka mid noqdeen kuwo ku guuleystay tartamo badan oo dhinaca Quraanka kariimka ah oo lagu qabtay Puntland .

Iimaan Maxamed Yuusuf Waxaa kale oo uu u mahadceliyay Hayadaha NRC iyo Save Children oo ka qeyb qaatay Dhismaha Qeybo ka mid ah Iskuulka .

Intii xaflada ay socotay waxaa halkaaas kelmado Luuqadaha Carabiga iyo Ingiriiska ka soo jeediyay ardayda Wax lagu baray Iskuulka Darul biri kuwaasi oo siweyn u jiitay Dhagaha ka soo qeybgalashaya Xaflada.

Xaflada oo ay goobjog ka ahaayeen waalidiin ay ubadkooda dhigtaan iskuulka ayaa waxaa halkas lagu soo dhaweeyay Sheekh Siciid Cismaan Yuusuf oo ku hadlay Kalmada Waalidka.

Intaasi ka dib waxaa Xaflada kalmada Maamulka waxbarashada ku hadashay Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Bari Shamis Muuse oo sheegtay in maamul ahaan ay iskuuladan oo kale u arkaan kuwo waxtar balaaran u leh Dhalaanka waxbaranaya

Xaflada Waxaa dhextaal u ah Nashiidooyin Gabayo ay dhamaan tirinayeen ardeyda waxkabarata Dugsiga Daarul Biri

Ugu danbeyn xaflada waxaa Abaal marino la gudoonsiiyay Ardaydii kalaamiha Hore ka gashay Imtaxaanka Teeramka 1aad ee waxbarashada Dugsiga Daarul beri.



Jihaan Maxamed Cabdi
SBC International Booosaaso