Xafladan oo ahayd mid aad uweyn oo sifiican looga soo shaqeeyey islamarkaana lagu taageerayey Maamul Goboleedka Khaatumo ee laga yagleelay Deegaamada SSC

Kulankan ayaa waxaa sooqaban qaabiyay Jaaliyada Khaatumo State of somaliya ee dalka MOZAMBIQUE ,

Waxaa kulan kaas ugu horay lagu furay Aayadaha Qur’aanka khariim ka ah oo uu akhriyey Muuse Yuusuf Casayr intaasi ka dib waxaa si rasmi ah u bilowday Qudbadihii ay halkaas kasoo jeedinayeen dadkii kala gadisanaa ee kasoo qayb galay xafladaas

“waxaan ugu horayn halkaasi ka hadlay Garaad Aadan oo ka mid ah Ganacsatadda waaweyn ee Dagan Wadankan Mozambique, kana soo Jeeda SSC, waxaana uu siweyn u Taageeray Maamulka Khaatumo State iyo Odayaashii kasoo shaqeeyey ee G 10 AMA Gudiga tobanka.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Abdullahi Max’ed Muuse (Dariiqo) oo kamid ah aqoonyahanada soomaaliyeed, waxaana uu siwey u Bogaadiyey maamulka Khaatumo State of Somalia

“waxaa uu ilahay uga beryey inuu ku guuleeyo Himilooyinka loo Yagleelay oo ay ugu horayso Midaynta Dadka Reer Khaatumo Iyo isu doonida soomaali oo midowda waqooyi iyo koonfurba.

wuxuuna amaan balaadhan u soo Jeedibey Dadka Reer Buuhoodle oo iska Daafacay Weerarkii Bahal Nimada ahaa ee uga yimi Maamulka somaliland waa siduu hadalka u dhigaye.

intaasi kadib waxaa kulankan hadalo kasoojeediyay

“Cabdilahi Cabdi Nuur oo kamid ah Ganacsatada Soomaliyeed ee kulan kaas ka Qayb galay kana soo Jeeda Deegaanka Ceelbuur

wuxuuna siweyn usoo Dhaweyey Khaatumo State wuxuuna sheegay in Midnimada Somaliya ay tahay wax aan cidna looga Hibey sanayn ayna Taageerayaan Maamulka taleex lagu Dooray wuxuuna intaasi raaciyey in Taleex ahayd Xudduntii halgantii somalidii daraawishta ahayd kala hortagtay gumaystayaa shii

Xaflladan ayaa lagu qabtay Magaalladda Ggurue ee Gobolka Zambesia 13/april 2012

Sikastaba ha ahaatee xafladan ayaa waxay kusoo dhamataya jawi aad u wanaagsan iyo farxad iyo rayn rayn dhamaan dadkii kasoo qayb galayna ay sifiican uga maqsuudeen.

 

Faarax Maxamuud dubbad
SBC International-