Xaflad lagu soo dhaweeynayey   R/wasaarihii  hore  ee dalka Soomaaliya  Mudane  Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa  maanta  ka dhacday xarunta Jaalidda Soomaalida waddanka Uganda gaar ahaan xaafada Soomaalida ay u badan tahay ee Kisenyi.

Xafladda  ayaa waxaa ka soo qeyb galay boqolaal Soomaali ah oo u badnaa madaxda Jaaliyadda, Odayaal, aqoonyahanno, dhalinyaro Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada Kampala,waxaana halkaasi ay ku muujiyeen shucuurtooda ku aaddan  waxqabadkii  iyo hormarkii ay  ku talaabsatay xukuumaddii hore ee uu hurmoodka ka ahaa  Maxamed Cabullaahi  Maxamed (Farmajo) iyo dadaalka ay soo bandhigtay  xilligii ay jirtay.

Guud ahaan Jaalidda Soomaalida  ee  dalka Uganda ayaa waxaa ay wateen boorar ay ku xardhanaayeen Calanka Soomaaliya Sawirka Ra’isul wasaare Farmajo iyo halkudhigyo ka turjumaya shucuurtooda iyo taageerada ay u muujinayaan xukuumada KMG Soomaaliya.

Dadkii ka hadlay munaabasadda lagu soo dhaweeynayey Mudane Farmaajo waxaa ka mid ah C/kariim Cukaash, Xuseen Garweyne,  Jaamac Seed, Xaaji Xasan Bayaxaaw, DR. Shire Cabdi iyo dad kale oo faro badan kuwaasoo halkaan magacyadooda lagu soo koobin karin iyagoo dhammaantood halkaas ka sheegay in xukuumaddii hore ee Farmaajo wax weyn ka qabatay dalka Soomaaliya gaaran caasimadda Muqdisho, kuna tilaabsatay muddadii ay jirtay guulo la taaban karo, waxayna ku tilmaameen inuu Farmaajo yahay nin waddani ah, una qalmo madaxweyne Soomaaliyeed, loona bahan yahay in madaxda Soomaaliya ay ku daydaan, xukunkana isku dhejin.

 Sidoo kale waxaa ka hadaly R/wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay munaasabadda ay Jaaliyadda Uganda ku soo dhaweeynayeen, waxa uun asheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida Soomaalinimada leh oo ay u soo dhaweeyneen, islamarkaana ay ku mahadsan yihiin midnimada ay sameeyeen, loogana baahan yahay inay qabyaaladda la dagaalamaan si loo soo celiyo sharaftii iyo Qaranimadii uu lahaa dalka Soomaaliya, loogan baxo abaaraha iyo colaadaha daashayday waddkanka Soomaaliya.

 “Waa inaan gacmaha isqabsanaa oo aan midoownaa, qabyaaladda aasnaa, taasina waxaa lagu gaari karaa midnimo guud, dalka waxa uu leeyahay cadaw fara badan marka waxaa waajib nagu ah ni guud ahaan midnimada baadi goobnaa, una kornaa geed dheer iyo geed gaaban sidii waddabka Soomaliya ugu soo dabaali lahayn amni iyo nimaad dowli ah si aan ula jaan qaadno caalamka.”

Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) waxa kalo o intaas uu ku daray inuuan ahayn ahmiyaddisa koobaad inuu madaxweyne noqdo, balse ay tahay ujeeddadiisa koobaad sidii loo mideyn lahaa ummadda Soomaaliyeed oo ay daashadeen dhibaatooyin sida qabyaaladda, dagaalada iyo abaaraha tan iyo markii ay burburtay xukuumaddi dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii.

 R/wasaarihii  hore  ee dalka Soomaaliya  Mudane  Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo)  waxa  kaloo amaan  ballaran u soo jeediyey dowladda Uganda sida wacan oo ay  u soo dhaweysay  Soomaalida iyo taageerada ay la garb taagtan tahay  DFGKM Soomaalia sidii  ay gacanta ugu dhigi lahayd gebi ahaan  waddanka Soomaaliya.

Dadweynaha ka soo qeyb galay munaasabadd ayaa waxay qaadayeen heeso wadaniyeed iyo nabad jeceyl,waxaana halkaasi tixo gabay ah oo dadkii ka soo qeyb galay iyo marti sharaftii qiiro waddaniyadeed galiyay ka jeediyay Abwaan khaliif weyne,waxayna dadweynihii munaasabadda joogay si qiiro leh u taageerayeen  Mudane  Farmaajo, waxayn kula dardaarmeen inuu  khalkiisa  ka sii wado  dadaalkiisa waddaniyadeed.

Sida  la wada ogyahay xukuumaddi  Farmaajo waxay ahayd xukuumad tayo leh oo abid  soo martay gayiga Soomaaliyeed. mudadii lixdabilood oo ay  jirtay waxay ku  tilaabsatay hormar la taaban karo islamar ahaataana waxay la dagaalantay musuqmaasuqii la dagay dhammaan xukuumadihii ka horeeyey xukuumaddii Farmaajo.

Jaaliyadda  Soomaaliyeed  ee  reer  Uganda ayaa lagu tilmaamaa  inay yihiin dad  had jeer jecel  in maruun Soomaaliya  cagaheeda isku taagto. 

 DAAWO SAWIRADA

W/D  Axmed-Saadaq  Yuusuf
SBC Kampala Uganda