Xaflad aad balaadhan oo si wayn loosoo agaasimay ayaa ka dhacday Magaalada Shaariqa ee wadanka isutaga imaaraadka Carabta xafladaasi  ayaa loo qabtay Raysal wasaraha Somaaliya si uu uga warbixyo xaaladaha kala duwan ee dalkii ku sugnaa ujeedadiisa uu Dubia u joogo Hamigiisa mustaqbalka .

Xaflada waxaa kasoo qayb galay Raysal wasaarihi Hore Soomaalia C/wali Maxamed Cali Gaas, Madaxwaynihii hore ee Puntland Cade Muuse Xirse ,Safiir Kongo,Engineer Axmed Ismaacil,Wasiirkii hore ee Ganacsiga Puntland Cabdisamed Yusuf Maxamed Abwaan, Cuqaal Isimo.Waxgarad,Haween iyo dad aad u badan oo soo buux dhaafiyay xaflada .

Waxaa goobta xaflada laga soo jeediyay qudbado kala duwan oo lagu soo dhawaynayay Xildhibaan Cabdi wali  Gaas isla iyadoo sidoo kalena ay qudbadoo kaga hadleen ayaaha dalka Somaaliya iyo Caqabadaha horyaala .

Khudbadihii kala duwanaa ee lasoo jeedinayay ayaa intooda badan ku salaysnaayeen Somaaliya walow ay dadka xaflada joogaa u jan jeedheen in mar qudha laga hadlo xaalda Puntland iyadoo ay dadku u badnaayeen reer Puntland.

Dr Yaasiin oo ugu horayn ka hadlay xaflada ayaa Ka dhawaajiyay arima badan oo putland  ku saabsan waxana uu sheegay in ay”Puntland waxaa ka jira Xoriyad La’aan waxaan Raysal wasarahii hore Xildhibaan Gaas ka codsanayaa inuu  il gaara ku eego Saaxada siyaasadeed ee Puntland “sidoo kale waxa uu Dr Yaasiin ka hadlay “Xamar waxay leedahay 20 idaacadood Bosaasona 6 idaacadood ay lahayeen labo la xidhay marka aan ku leeyahy xoriyada wax halaga qabto waa sidaa wayo dadku ma dhiban karaan fikirkooda”sidaasi waxaa yidhi Dr yaasiin oo ahaa madaxii hore arimaha bulshada Puntland.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay wasiirkii hore ee Ganacsiga Puntland oo isna si wayn usoo dhaweyay Xildhibaan Gaas isagoo sheegay in loo baahan yahay sido uu Somaaliya wax uga qabtay in Puntland  uu wax uga qabto.

Gen:Cade Muuse Xiri waa madaxwaynihi hore ee Puntland waxa uu ka hadlay arima badan oo ku saabsan Puntland waxana uu qudbadiisa ku bilaabay”mida kaliya oo ayaan Puntland iska hor marinaayo waa in ciidamada amaanka iyo nabad galayada sii farayaa inay dadka ilaaliyaan nabad galyada dadka amaankana si wayn ha u ilaaliso cadaadiskana ha ka dayso waad ogt“.

Sidoo kale waxaa u si wayn ugu celceliyay in reer Puntland ay ka shaqeyaan amaanka”Puntland ha la badbaadiyo waa inay ka caan oo shiraan Isimada Puntland  ayaaha iyo masiirka putland ay ka hadlaan oo codkooda dhiibtaan”.

Cade Muuse waxa uu sidoo kale Fariin u diray Madaxwayne C/raxmaan shiikh maxamed Faroole “Cabdiraxmaan fariin ha la iga gaadhsiiyo  wuxuu yiri nin isaga ka yar ma qabanayo dee anigu waxaan leeyahay anigu waa ka tagay waana isleegnahay cabdiraxmaan  waa inuu sharciga u hogaansamaa “sidaasi waxaa yidhi Gen”Cade.

Waxaa gaba gabadii xaflada halkaasi ka hadlay Raysal wasarahii hore xildhibaan Cabdiwali cali gaas isagoo ka hadlay xiligii uu hayay xilka Raysal wasare isagoo khudbad dheer ka jeediyay xaflada isla markaan ka sheekeyay waxqabadkii dawlada.

Waad la socotaan oo laydinkama sheekayn karo intii aan xilka hayay sanadkii iyo badhkii waayo halka maanta aan joogno iyo halkii aan sanad iyo badh joognay waa kala duwan tahay runtii somaliya waxaa idin cad in ay meel wanagsan marayso siina soconayso iyadoo ku talaabsanaysana horumar wayna ka fiican tahay sidoo hore

Sidoo kale waxa uu ka hadlay dhuxusha isagoo sheegay in xiligii uu tala dalka hayay uu ku guulaystay in Somaaliya ay QM ka joojiso Dhuxusha lagu baabiyay dhirtii”xukumada aan madax ka ahaa waliba aniga waxaan ku guulaystay in aan joojiyo oo aan ku doodo in dhuxusha Somaaliya nalaka joojiyo wanan ku guulaysanay,maantana hadii lay waydiin lahaa maxaad wax qabad kaaga ugu jeceshay waxan odhan lahaa  dhuxusha aan Somaaliya ka joojiyay iyo bad baadinta dhirta ayaan ugu jeclahay wana wax lagu faano”.sidaasi waxa yidhi Dr Gaas.

Waxaa Xildhibaan Cabdi wali Gaas la waydiyay sidoo kale in uu dhistaanka Airportka Bosaso iyo Garowe is hor istaagay xiligii uu Raysal wasaaraha ka ahaa TFG waxaana uu yidhi”anigu ima hor istaagin waanan maqlayay hadaladaa maalmahan in lalahaa cabdiwali ayaa mashaariicdii Airpodad bosaso iyo garowe is hortaagay balse wxaan leenahay “ waxaan idiin sheegayaa Lacagta hada taala qofkii soo dhameeyey oo Wasiirka Arrimaha Dibada Telyaaniga la saxiixday oo ka codsaday lacagtaas in Garoomada lagu dhiso aniguu ahaa weliba Dowlada Telyaaniga oo rabtay inay dhanka Beeraha wax kaga qabato Faroolena maahayn cid kalena maahayn laakin dadka  yidhi Gaas ayaa ka danbeyay waa kuwo iska hadlay oo been iyo borobogaande dadka kula wareegaya mana doonayo inaan ka hadlo wana mahadsantihin”Sidasi waxa yidhi Xildhibaan Gaas.

Habeen hore ayay ahayd markii wasiirka maaliyada uu ka hadlay arimaha Airportka Bosaaso iyo Garowe isagoo sheegay inay is hortaagtay mashaariicdii lagu dhisi lahaa garoomada diyaaraha ee magaalooyinkaasi balse aanu waxba ka qaban Cabdiwali  Gaas ,hase ahaatee uu iska fogeeyay hadalkaasi Xildhibaan  Gaas oo isagu sheegay in uu isagu soo dhameeyay Hawshii Talyaaniga.

Sikastaba ha ahaatee waxay ahayd xaflad si heer sare ah losoo agaasimay waxana kasoo qayb galay  Shaacab badan oo hami u qabay inay la hadlaan Raysal wasaarihi  hore ogaadana xalada  Somaaliya halka ay marayso .