Xaflad aad loo soo agaasimay arday dufcada afaraad ee Macadka barashada Xirfadaha ee New Geretion ka qalanjabisay tartanka Garaaca Key board Saftwer A+ Certificantion Munaasibada ayaa wax ay kadhacday hoolka axafladaha ee hotaal baamaraamo ee Magalada Bosaaso.
Waxaa ka soo qeybgalay Xaflada Masuliyiinta Waxbarashada Gobolka Bari Aqoonyahan Walidiin iyo Qeybaha kalagadisan ee Bulshada.
Goobta ay Xaflada kasocotay waxaa kahadlay Masuuliyiin kalagadisan waxaana ujeedaka Munaasibada SHaraxaad ka bixiyeey Maamulaha Macadka Barashada xirfadaha ee New generation Faysal Cabdi oo Sheegay in uu Soomaray Macadka Heerar Kalagadisan Ayna Kuguuleesteen in ay Soosaaraan jilal tira badan oo Yaqaan Garaaca Keyboardka.
Waxaa isna hadalo kasoo Jeediyeey Kormeeraha Wasarda waxbarshada Puntland ee Gobolka Bari SAhal Maxamed Gacayte oo sheegay in uu ku farxsanyahay Ardaydaan aadka utirada badan oo Ka qalnjabisay Madada Computerka aradayadana ku booriyeey in ay sii wataan dadaalkooda
Intii ay socotay Xaflada waxaa ardayda kaalima galay lagudoonsiyeey Shahaadooyin iyo abaal marino waxaa sidoo kale ardaygii Galay Kaalinta Kowdaa Lagu doon siiyeey Koob .
Sidoo kale waxaa halkaas kahadalay Qaar kamid ah ardaydii ka qalin jabisay Garaaca Keyboardka iyagoo sheegay in ay ku farxsanyihiin barashada computerka.
Xaflada ayaa sidoo kale waxaa Ka hadlay Maamulaha Macadka New generation Qeybtiisa Magaalada Bosaaso Maxamed DHukul Bayr oo sheegay in ay maanta Ardaydii ay ku gulaysteen Garca Keyboardka
Ma ahan Markii Ugu Horeysay ardaydaan oo tiradooda gaaraysay 400 oo arday ay ka qaln jabiyaan macadka xIrfadaha ee Computerka ee New generation waxaana sidoo kale uu Macadku ka furanyahay dhamaan Deeganada Puntland hadana waxaa lagu wadaa in laga furo Gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Casiiso Muuse
SBC international Boosaaso
Daalacatey :847