Xafladani oo ay soo qabanqabiyeen Masu’liyiinta ururka ardayda Jaamacadaha iyo Macahida sare ayaa lagu qabtay magaalada Mugdisho taa oo ku adaneyd doorashada hogaan cusub oo ururkani uu yeesho.

Xafladani waxa ka soo qeybgalay culimo’udiin,waxgarada,siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee ururada bulshada rayidka.

Ugu horeyn xaflada waxa furay Moh’ed Abdullahi Oomar oo ah guddoomiyahii hore ee ururkani waxana u sheekay in manta sanad kadib uu ururka diyaar u yahay in ay doortan hogaan cusub asigana uu xilkaasi ka  dhamaday ayna soo qabanqabiyeen xafladani si dhammaan xubnaha Midowga ardayda jaamacadaha iyo macahida sare ay  codkoda ugu doortaan hogaan cusub.

Intaa kadib waxa hadalka qaatay  Cabdinuur xasan faarax kana mid ahaa aas-aasayaasha ururkani waxuna ka sheekeyay taariikhda iyo heerarka kala duwanaa ee ururkani uu soo maray iyo sababta ku dhalisay in lagu dhawaaqo ururka Jaamacadaha iyo Macahida sare asiga oo sheekay in ay ku qasabtay marka ay arkeen xaalada dalka uu maraya iyo dhibatoyinka ka taagan magaalada Mugdisho taa o dhibaatoyin xoogan ay kala kulmayaa ardayda qeybaheda kala duwan ayaa sababta in ay ku dhawaqan ururkani si ay u garab istaagaan  ardayda ku dhibaateysan Mugdisho iyo guud ahaan dalka Soomaalia.

Waxaa sidoo kale xafladani hadalo ka jeedisay Fartuun Axmed Salaad oo ahayd Xoghayahii guud ee ururka  Midowga ardayda Jaamacadaha iyo macahida sare iyada oo si weyn diirada u saartay xaalka waxbarasha ee gabdhaha soomaaliyeed iyadoo gabdhahii xaflada ka soo qeybgalay si weyn ugu baraarujisay xoojinta waxbarashada,waxana fartuun hadalkeda ku sii dartay in badbaadinta dalka maanta ay tahay cida keli ah ku haboon haweenka soomaaliyeed oo kaalin lixaad leh marwaliba ka ciyaaro nabada iyo dib- u heshiisiinta.

Xog-hayahii hore ee arrimaha dibeda midowga arday Jamacada iyo Macahida sare Saalax cumar dhicis oo lagu soo dhaweyay masraxa ayaa isna si weyn ugu hadlay inta ay jireen guddiga fulinta e maanta uu ku egyahay xilkoda in ay ku guuleysteen in ay waxbadan ka qabtaan dhibaatoyinka haysta ardayda Jaamacadaha iyo macahida sare xoghayaha arrimaha dibedda ayaa soo bandhigay waxqabad kale duwan oo midowga ardayga Jaamacaha iyo Macahida sare u qabtay oo ka mid ahayeen iyagoo deeqo kala duwan gaarsiiyay arday ku dhaawacantay dagaalada aan dhamadka lahayn ee Magaalada Mugdisho iyo kuwa  anan awoodin in ay iska bixiyaan qarashaadka Jaamacaha iyo Macahida sare  oo uu sheekay xog-haya in ay ka bixiyaan qarashadkasi asiga oo intaasi ku daray in aysan jirin taageero ay ka helayan Hayado balse ayaga isku xilsaareyn in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka haysta ardayda waxana uu baaq u diray jaaliyadaha iyo cid waliba oo jecel wanaag ummada soomaaliyeed in ardayda soomaaliyeed xiligani adag wax ku baraneysa la garab istaago.

Xafladani oo lagu dooranayay hogaan midowga ardayda jaamacadaha iyo macahida sare ayaa waxaa hadalo ka jeediyay siyaasiga Xasan faarax xersi (Xasan Ganey) oo sheekay inuu si weyn ugu faraxsanyahay ka soo qeybgalka maanta uu ka soo qeybgalay kulanka balaaran oo ay isugu imaadeen ardayda Jaamacadaha Iyo Macahida sare ee Magaalada Mugdisho asiga oo ammaan u jeediyay dhammaan aas-aasayasha iyo howladena ururkani kuna dhiiri-geliyay dardar gelinta howsha u hayo waxana intaa ku daray in maanta u dalka u baahanyahay dhallinyaro waxbaratay oo badbaadiso hanbada ka hartay ummada soomaaliyeed aqoontana ay tahay tan keli uu horseed u noqon karta in ay dalka ka dhalato dowlad wanaag.

Madaxa Mashaariicda ARAHA Cabdiqadar Aadan dhemow kana mid ahaa marti sharafta ka soo qeybgashahay xafladani oo hadalo ka jeediyay ayaa sheekay  inuu si weyn ugu faraxsanahay dhallinyaro Jamacado iyo Macahid sare dhigato ay maanta ay xilka iska saaraan dhammaan ardayda kale ee wax ka barata Magaalada Mugdisho waxuna intaa ku daray in ay tahay talaabo hormar leh in maanta la arko dhallinyaro isku xilqaameysa hormarinta waxbarashada kuna dhiirigelinaya howlwadena in ay ururkani gaarsiiyaan dhammaan gobalada dalka si loo ay u caawiyaan arday waliba oo soomaaliyeed oo wax ku baranaya xaalada adag ee ka jirta dalkena Soomaaliya.

Xafladani oo ay ka hadleyn qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa hadalka waxa la siiyay Colnel Maxamed Cabdi Soomaane oo sheekay in ururkani ay haboontahay in ay lagu dhiiri geliya howsha u haya ayna si weyn u soo dhaweynayaaan.

Qudbadaha kadib waxa bilaabatay doorashada hogaan cusub oo uu  yeesho Midowga ardayda Jaamacada Iyo Macahida sare waxana xilkaasi isku soo taagay 6musharax waxana ugu dambeyntii xilkaas ku guuleystay Cabdiqadir Ibraahim Maadeey(Ugaas) waxana hadal kooban u halkaas ka jeediyay u balan ku qaaday in ay in xilkiisa uu u gudan doona si cadalaada iyo karti ay ku jirta dhawana la arki la doona talaaboyin hormar leh u qaado Ururkani.

Ugu dambeyn xafladani ayaa waxay ku soo gabo-gabowday jawi heer sare .

Filo Sawiro Goor dhow

Saalax Cumar
Muqdisho