Xaflad balaaran oo lagu caleemo saareyey laguna dhaarinayey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo markii sadexaad ku guuleystey madaxtinimada wadanka Jibuuti ayaa maanta ka dhacdey magaalada Jibuuti.

Xafladda oo ka dhacday Hotel Kambisk ee magaalada Jibuuti yaa waxaa ka soo qayb galey hogaamiyeyaal ka socdey wadamada gobolka, waxaana ka mid ahaa Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, Ra’isalwasaaraha Itoobiya Meles Zinaawi, Madaxweyne kuxigeenka Yemen Abd al-Rab Mansur al-Hadi, Ra’isalwasaare wadanka Rwanda Mr. Bernard Makuza, wasiirka amaanka wadanka Burundi Mr. Guillaume Bunyonyi, wasiirka amaanka & ahna sii hayaha wasiirka arimaha dibada Mr. Kenya George Saitoti, wasiirka Iskaashiga caalamiga ah ee dawlada Faransiiska Mr. Henri de Raincourt, Karl Wycoff  oo ka tirsan waaxda amuuraha dibada dalka Mareykanka isla markaana qaabilsan Afrika, wasiirka arimaha dibada Somaliand Maxamed Cabdulaahi  iyo madax kale oo u badan oo ka socdey wadamo kala duwan.

Madaxdii ka soo qayb gashay xafladaasi caleemo saarka madaxweynaha Jibuuti ayaa waxay ugu hambalyeyeen Ismaaciil Cumar Geelle oo haatan 63 sano jir ah oo doorashadii bishii hore dhacdey kaga guuleystey isagoo ka guuleystey musharixii sida madaxabanaan ula tartamayey Maxamed Warsame Raage.

Madaxweynaha Jibuuti khudbadii uu halkaasi ka jeediyey oo dhinacyo badan taabanaysay wuxuu si gaar ah ugu soo qaatey arimaha Soomaaliya , wuxuu sheegay in dhibaatada dagaal ee ka jirta Soomaaliya inaanay aheyn mid ku kooban Soomaaliya isagoo sheegay in dhamaan wadamada dariska ah & caalamka oo dhan ay saameyn doonto wuxuuna sheegay in looga baahan yahay aduunku in uu kaalin weyn ka qaato sidii dalka Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa.

Ismaaciil Cumar Geele wuxuu hadalkiisa ku xusey in Soomaaliya ay la degi la’dahay dhibaatooyin dagaalo, argagixiso & burcad badeed isagoo ka codsadey caalamka in wax laga qabto dhibaatooyinkaasi la degay Soomaaliya.

Doorashadaasi oo dhacdey 8-dii bishii April ee aan ka soo gudubney waxaa qaadaceen gudiga doorashada oo ay ku eedeeyen mid u xaglinaya xisbiga RPP ee madaxweyne Geelle, iyadoo ay ka gaabsadeen ka qayb galka doorashada.

Jibuuti oo ah dal yar oo ku yaal Afrika xageeda bari wuxuu ka qaatey xornimadiisa wadanka Faransiiska sanadkii 1977-kii, xiligaasi oo uu madaxweyne noqdey Xasan Guuleed Abtidoon, iyadoo Madaxweyne Geele uu yahay madaweynihii 2-aad ee soo mara wadanka Jibuuti, isagoo mudadii uu xilka hayey wax badan ka qabtey xaaladaha kala duwan ee wadankaasi gaar ahaan dhinacyada maalgashiga shisheeyaha iyo xoojinta xiriirada wadamada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Daawo Sawirada

Fartuun Cali Axmed
SBC Jibuuti