Xafladan ayaa waxay ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay iyadoo ka dhacday Huteelka Juba ee Magaalada Boosaaso .Waxaana  ka soo qayb galay madax ka socotay Dowlada Puntland .Hayadah  .Ururada maxaliga ah .Culimo iyo Madax Jamacadaha Deganada Puntland .

Waxayna xafladani ay ahayd mid lagu kulansiinayay Ardayda  wax ka baratah Jaamacadah Puntland kuyaal .iyadoo ay xafladaas ay Goob joog ka ahaayeen ardayda oo wajigooda laga dheehan karay farxad

Ugu horayntii waxaa halkaa ka hadlay  Gudoomiyaha Jaamacada Boosaaso Dr Maxamed Cali Faarax   isagoo mahad balaaran ujeediyay intii ka soo qayb gashay kulankaas  gar ahaan Madaxda Dowlada oo uu ku tilmaaya in ay yihiin kuwo u heelan wax walba oo uu dalku u baahanyahay

Intaa kadib wax uu sheegay in Xafladan ay gogoshay Jaamacada Boosaaso iyadoo kaashanaysa  Hayada Nadwal Al Caalamiya Al.Shabab  maktab Al Soomaali, waxa uuna sheegay in ay sharaf u thay Jaamacada Boosaaso in ay Kulankan Hormuud U Noqoto isagoo sheegay In sababta loo qabtay kulankan ay tahay sidii aqoonta kor loogu qaadi lahaa  iyo sidii fikir wanaagsan loo kala qaadan lahaa  si loo helo dad ku sifoowa wanaaga diinta islaamka iyo in ay noqdaan ardayada kuwo walaaloba iyagoo ka wada duulayah hal meel oo ka bilaamayah wanaag  isagoo kula dar daarmay dhamaan ardaydii halkaa ku sugnayd in wax kulankan loo qabtay aysan dhanah uga leexan  isagoo intaa ku daray in kulankan ku aadan cilmiga uu lahaan doono daruus diyaarsan iyo aqoon is wadarsi ay ardaydu is wadarsan doonto.

Waxaa sidoo kale Xafladaa  ka hadlay Cabdilaahi Faarax Mire oo ahaa    mas.uul ku hadlayay magaca  Hayada Nadwal Al Caalamiya Al.Shabab  maktab Al Soomaal  isagoo ugu horayntii u mahad celiyay Jaamacada Boosaaso oo uu ku tilmaamay in ay wax badan u qabatay umada Rer Puntland isagoo sidoo kale mahad balaaran u jeediyay dhamaan jamacadihii goobta joogay oo ay ka mid ahayd Jamcada Muqdisho iyo Bariga afrika .intaa kadib wax uu sheegay in xafladan ay tahay mid adag sida loo sameeyo loona bahan yahay in laga fakaro sidii looqaban lahaa isagoo Jamacadah ku booriyay inay iskaashi sameeyaan si ay horamar ugaaran .waxan uu ugu danbayntii sheegay in  Hayada Nadwal Al Caalamiya Al.Shabab  maktab Al Soomaali  ay mar walba diyaar u tahay wax walba oo wanaagsan.

Ugu danbayntii Xafladaas soo xiray Gudoomiyaha Gobalka Bari oo isagu sheegay in wax lagu farxo ay tahay Xafladan ay ku kulaamayeen ardayda wax ka baratah Jamacadah Puntland isagoo sheegay in jaamacadah looga baahanayah in ay sameeyaan la tacaalid ah in ardaygii wax bartaa ay garab ku siiyaan sidii uu shaqo ku heli lahaa isagoo ugu dabantii mahad balaaran u jeediyay dhamaan ka soo qayb galayaashii xafladaas iyo Hayada Nadwal Al Caalamiya Al.Shabab  maktab Al Soomaali.

Xafladan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horaysay ee noocan ah oo lagu qabtoh Deegaanada Dowlada Puntland iyadoo dhamaan ardaydii  Xafladaas joogtay ay ka kal yimaadeen Goabalada Puntlsnd waxayna soo dhaweeyen kulankan ay  Jaamacada Boosaaso ay gogoshay.

SaWIRO





Axmed Maxamuud Axmed(Axmed Nuune )
SBC International Boosaaso