Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay oo shahaadooyin Iyo abaal marino lagu gudoonsiinayay ardayda wax ka barata Dugsiga Imaamu Kisaa’i ayaa ka dhacday Hoolka Shirarka ee Bandarqaasim College ee Magaalada Boosaaso waxaana Xaflada ka soo qeybgalay Masuuliyiin Ka socda wasaarada waxbarashada Puntland waalidka Ardayda Dhigata Iskuulka iyo Dadweyne Kale oo isku jira qeybaha Bulshada sida Aqoonyahano.

Xaflada Ujeedkkeeda waxaa sharaxaad ka bixiyay Maamulaha Dugsiga Imaamu Ka’asi C/qaadir Buube Maxamed Waxaana uu ka hadlay Sababta Xafladan loo qabtay iyo Abaal marinada la siinayo Ardayada.
Xaflada Waxa sidoo kale joogay Aqoon yahano Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa Gen Cali Ismaail oo sheegay in Waxbarashada ay leedahay Qiime weyn gaar ahaan iskuulada Soo saaraya Da’yarta waxbaraneysa isaga oo Fariina u diray waalidka.

Intii Xalfada ay socotay waxaa ardaya waxa ka barata dugsiga ay soo bandhigeen Nashiidooyin iyo Gabayo ku saabsan Qiimaha Waxbarashada oo ay dad badan u riyaaqeen .
Waalidinta Xaflada ka soo qeybgalay ayaa sidoo kale kalmadooda ka dhiibtay xaflada Loo qabtay ardayda wax ka barata dugsiga Imaamu Ka’asi Waxaana ka mid ah ahaa C/laahi Xuseen ciise waxaana uu yiri.
Gabagabada Xafladan waxaa halkas shaadooyin dhinaca aadaabta iyo Abaal marino kale la gudoon siiyay ardayda kalaimaha hore ka gashay Waxbarashada Dugsiga gaar ahaan imtixaanka teeramka koowaad ee waxbarashada sannad dugsiyeedka 2011—-2012 .

Filo Sawiro goor dhow….

Casiiso Muuse C/kariin
SBC International Boosaaso