Munaasabad Balaaran oo lagu furayey Colleg Vision international  ayaa waxaa lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Amal Plaza ee Magaalada Bosaso waxaana munasabadaasi kasoo qaybagalay aqoonyahano Culima awdiin Ganasato Masuuliyiin kasocatay Wasaarada Waxbarashada Puntland  iyo Bulshada rayidka ah Qaybeheeda kala duwan .

Ugu horayntii furitaankii Collegka cusub waxaa kahadlay Bile C/lahi Warsame oo ah aqoon yahan islmarkaasina kamida madaxda Vision international Colleg wuxuuna in badan ku dheeraaday ujeedka loo furay Collegka cusub wuxuuna sheegay in ujeedka collegku uu yahay sidii ay dhalinyarada kudhaqan deegaanada Puntland ay uheli lahaayeen aqoon tayeysan si ay Mustaqbalka isu anfcaan .

C/dirisaaq Cali oo isna kamida Masuuliyiinta Collegka una qaabilsan Xiriirka Dibada ayaa in badan ku dheeraaday kashee keeynta wax qabadka Colleka iyo waliba meelaha uu xiriirka laleeyahay wuxuuna sheegay wax yaalaha looga baahan yahay ardayga uu qaadanayo collegka waaan inuu ahaadaa arday kasoo baxay Dugsi Sare oo la aqon sanyahay sidoo kale wuxuu sheegay in Collegku uu ka Diwaan galsan yahay Wasaarada Waxbarashada Puntland .

Sidoo kale waxaa madasha hadal aad uqiimo badan kajeediyay DR Cumar oo ah Dhaqtar Somliyeed oo kayimid Dalka Dibadiisa wuxuuna in badan ku dheeraaday faa,idada ay leedahay Xirfada gacanta oo labarto wuxuuna si cad u sheegay in Somalidu ay inta badan liidaan dadka yaqaana Xirfada Gacanta taa badalkeeda waxa uu sheegay in Dalalka Caalamka  ay aad uqiimeeyaan dadka yaqaan xirfada gacanta ,

Gaba gabadii Munaasabadiii lagu furayey Vision International aya waxaa soo Gabagabeeyay  Kormeeraha Waxbarashad Gobolka Bari Muuse Jibriil wuxuuna sheegay in ay tahay wax lagy farxo in Colleg cusb uu kusoobiiro Bosaso kaasi oo ay dhigidoonaan Macalimiin Khibrad iyo waayo arag nimaba xanbaarsan.

Viaion Internaional ayaa waxa uu noqonayaa Colleg cusub oo kusoo biiray deegaanada Puntland Gaar ahaan Magaalo Ganacsiga Bosaso.

DAAWO SAWIRO

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso