SUAAL. Waa maxay farqiga udhaxeeya (Somali Territorial Sea) oo macnaha ah Dhul badeedka wadanka Soomaalida, iyo EEZ” (Exculisive Economic Zone) oo macnihiisu yahay Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah?

Waxaa maalinba maalinta kadambeysa sii xoogeysanayo qeyla dhaanta kaimaneyso bulsha weynta soomaaliyeed qeybaheeda kala gadisan, haba ugubadnaadeen aqoonyahaniintii, iyo waxgaradkii lasoo shaqeeyay dowladihii hore ee dalka soomaray kuwaas oo kadhiidhinayo xadeynta lasheegay in loosameynayo badda soomaaliya 19 DEC 2011.

HADABA YAA KADAMBEEYA ARINTAN.

Waxaa inta badan culeyska saara in laxadeeyo badda soomaaliya International marine organization} oo fadhigoodu yahay magaalada London, sanadkiina mar lagu qabto, arintan xadeyntana waxay soo bilaabmatay sanadkii 2008 markuu madaxweyne c/llaahi yuusuf ahaa madaxweynaha soomaaliya.

Raggii madaxda ahaa ee aadka ugu ololeeyay in sharcigan EEZ laqaato oo xad cusub loo sameeyo waxaa kamid ah oo ugudaran Prof Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo sanadihii 2009 iyo 2010 olole ugujiray in laxadeeyo badda soomaaliya,
Waxaa kaloo kamid ah wasiirkii hore ee kaluumeysiga iyo Kheyraadka badda Dr Maxamed Macalin Xasan kaa oo la xaqiijiyey in u ahaa mas.uulkii ugu horeeeyey oo saxiixay in biyaha badda somaliya lagu soo kobo 12 nowtikal mile,xili uu dolwada KMG uga qeybgalay Shir ka dhacay magaalada Lonodn ee dalka Britain kaas oo u dowlada uga wakiil ahaa ka qeybgalka shirkaa
Dr Maxamed Macalin Xasan Dhawaan loo magacaabay safiirka Somaliya u fadhiyi doono dalka isu taga imaaraadka carabta ee midoobay .

Waxaa kaloo kamid ah Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee DFKMG hadda jirta Cabdiraxmaan Shiikh Ibraahim Maxamed sida wareysigiisii dhawaa kucad.

Sidoo kale waxaa soo gudagelidoono xukuumada/reysal wasaaraha/ iyo gudiga roadmap qeybihiisa kala duwan, iyo inta saxiixday ee ilaa hadda lahayo, iyo shirka dambe ee garoowe lagu qaban doono
Waxaa arintan qeyb harudhac ah kasoo gelidoono  Raysal Wasaarihii hore ee  Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah Mudane Nuur Xasan Xuseen, iyo safiirka soomaaliya ufadhiya Kenya MR. maxamed cali nuur ameerico oo  HESHIIS dhexmaray Midawga Yurub iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku saabsan Ciidamada badda ee ay hoggaaminayaan Midowga Yurub ee Gudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee ku shaqaynaya Hawlgalka Militariga Midowga Yurub ee (loogu magac daray) Atalanta Heshiiska waxaa Nairobi lagu saxiixay 31/12/2008. Isagoo aan lamarsiin baarlamaanka, iyo goloha wasiirada toona.

NB. Hadaba soomaaliya baddeeda waxaa looqeybiyaa dhanka Indian Ocean  oo ay katahay cabirkeeda 200 oo mayl baddeed una dhiganta 370km, iyo dhanka gacanka cadmeed oo puntland iyo somalilandba soo hoosgalayaan oo ay katahay 50% 50%, hadaba haddii cabirka dhanka loo ololeenayo laga dhigo 12nm, dhanka kale muxuu noqonayaa?. Jawaab iyagaa laga rabaa.

SUAAL. Hadaba aan isweydiino badda soomaaliya xad loo aqoonsan yahay maleedahay?
JAWAAB. Haa way leedahay laga soo bilaa 1972 cabirkeeda waa 200 oo mayl baddeed una dhiganta 370km,
SUAAL. Waa maxay farqiga udhaxeeya (Somali Territorial Sea) oo macnaha ah Dhul badeedka wadanka Soomaalida, iyo EEZ” (Exculisive Economic Zone) oo macnihiisu yahay Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah?

JAWAAB. (Territorial Sea) Waa meel aad adiga leedahay, lasoomari Karin, laga ugaarsan Karin, shidaal laga qodankarin,, badda hoosteeda waxa kujira lagala bixikarin, qashin lagushubi Karin, etc. waa meel adiga kuuxadeysan adiga aad sigaar ah uleedahay., laga soo biulaabo 1972 ilaa hadda oo 2011 soomaaliya cabirkeeda waa 200 oo mayl baddeed una dhiganta 370km.


EEZ” (Exculisive Economic Zonewaa meel maraakiibta dagaalka marikaraan, cadowgaadu kuusoo istaagikaro 12meel in kuudhow, maraakiibta xamuulku marikaraan.

Hadaba arinta hada ladoonayo oo laleeyahay EEZ” (Exculisive Economic Zone) ayaa laxadeenayaa wuxuu yahay in cabir badeedkeenii ahaa 200 oo mayl baddeedka magaca loobadalo oo 12 kamid ahna lagadhigo (Somali Territorial Sea) xadka aan gaarka ulahaan doono ee nooxiran uu noqdo 12nm kaliya, meeshuu awal ka ahaa 200nm, inta kadhiman labadii boqol ee horana ay noqoto meel nalala wadaago oo aynaan gaar ulaheyn., waana tan lagu qiyaameynayo madaxda oo loogu sheegay in taako kamid ah dhulkeena laqaadaneynin oo ayan kawarqabin.

Ujeedada kadambeysa way wajiya badan tahay waxaa kamid ah:


1-      In laqariyo kaluumeysigii reer yurub kuhayeen xaalufinta badda soomaaliyeed mudadii dheereyd.
2-      Mar hadii xad cusub lasameeyay wixii hore waxay noqanayaan wax tirtiran  oo aan dib looraacan karin, sida suntii badda lagushubay, dadkii lalaayay ee burcad badeeda lagu sheegay oo layiraahdo xad kale ayay galeen oo lagu laayay, kaluunkii lagurtay, and etc.
3-      In dowlada Kenya loo sameeyo cabir badeed cusub si loogu gacan geliyo ceelka shidaalka ee ay shirkadii reer norway kaheshay dusha sare ee raaskiyambooni 1980.
4-      Sidoo kale ceel kale oo aad uweyn oo isla shirkadan ay kaheshay inta udhaxeysa baraawe ilaa hobyo in ceelkaas lagudaro badda lawada leeyahay si ay uwada manaafacaad sadaan inta awooda leh ee haatan kusugan baddeena.
5-      In soomaliya laduudsiiyo xaqqa ay uleedahay in cabirkeeda badda ee hadda ah 200nm kadhigan karto 350 ilaa 400nm, sharcigaa oo soo baxay 2009, waana kan hada ay dhaqan gelineyso dowlada Kenya kadib marka keena lasoo yareeyo.

Dowlada kumeel gaarka iyo dowlad goboleedyada waxaan leenahay wixii lahayo lama lumiyee wixii maqan baa labaadi goobaa, haatan waxaan leenahay oo naloo ictiraafsan yahay 200nm, xaqqa aan leenahay wuxuu yahay laga soo bilaabo 2009 sharcigii soo baxay inSomali Territorial Sea uu noqdo ugu yaraan 350nm, ugu badnaana 400nm, wixii intaa kadambeeyo ayuu noqonayaa EEZ” (Exculisive Economic Zone)dhabta ahama sidii hore haloo daayo oo ah sida aanu hadda nahay oo macnuhu yahay Somali Territorial Sea waa 200nm, wixii intaa kadambeeyo ayuu kabilaabanayaa EEZ” (Exculisive Economic Zone).

NB. Ogaada xadka ocean –ka badda hada laga hadlayo waxay udhaxeysaa soomaliya iyo Seychelles , cabir badeedka inoo dhaxeeyo haatan waa 600nm oo biyo caalami ah oo ay mari karaan maraakiibta dagaalka, kuwa xamuulka, etc, sidaa daraadeed looma baahna in layiraahdo manta waxaa dib loo cabirayaa aagga ganacsiga ee waxaan arin ujeedooyin kala duwan laga leeyahay oo ay kumideesan yihiin dhamaan wadamada reer yurub iyo xulafadooda, raga soomaaliya madaxda ka ahna lagu marsiinayo qaab dhaqaale xoog badan, iyo in loo balan qaaday in kumeel gaarka laga saarayo oo laga dhigayo dowlad aan kumeel gaar ahayn, inta maanta hor boodeysana dib loosoo celinayo oo iyaga madax kanoqonayaan wasiilo kastoo loo maro.

Hadaba dowlada kumeelgaarka hadey ogolaato EEZ” (Exculisive Economic Zone) oo ay badasho, ama ay baabiiso sharcigii hore ee ahaaSomali Territorial Sea waa 200nm, kana dhigto ama ay ogolaato in laga dhigo Somali Territorial Sea inuu noqdo 12nm oo wixii intaa kadambeeya uu noqondoono EEZ” (Exculisive Economic Zone). Waxay kukacday khiyaano qaran, waxay noqoneysaa dowlad ushaqeysa dowlado shisheeye danahooda, cidii kuluglahayd laga soo bilaabo sanadkii 2008kii markii uu maamulkii madaxweyne c/llaahi yuusuf ay uqoreen waraaqdii QM in ciidamada shisheeye badda kusoo galayeen hashiiskii ay iyaga saxiixeen oo lahayo hadda, lagasoo bilaabo waqtigaas ilaa haatan lataagan yahay madaxdii kulugyeelatay dhamaan waxaa laga hayaa cod, saxiix, qoraal, & etc  waqti kastoo ay noqoto iyo meel kasta oo ay tagaan waa arin urahman fursadeeda ayaa lalasugayaa.

HADABA ragga qibrada iyo waaya argga iyo cilmiga gaarka ah uleh baddeena ee aan soo jeedinayo iney kafaaideystaan dowlada kumeelgaarka ah waxaa kamid ah:-

1-      CISMAAN ABSHIR CIGAAL. Cismaan waa aqoon yahan iyo dublamaasi soomaaliyeed, waxuu todobaatameeyadii kasoo shaqeeyay wasaaradii arimaha dibada xafiiskeeda lagu keediyo heshiisyada soomaaliya lagashay dowladaha kale ee aduunka, waa ninkii waagaa talo kusiiyay hogaankii sare ee kacaanka in cabirka badda soomalia laga dhigo 200nm ee aynu hadda leenahay si halkaa aanu uga difaacano qeyraadka baddeena kujira kaluun/batrool/&etc, taladiisii ayay qaateen hogaankii sare ee kacaanka sidaas beyna soomaaliya laga soo bilaabo 1972 ilaa manta udiiwaan gashan yahay 200nm., sidoo kale Mr. cismaan abshir cigaal wuxuu ahaa safiir kuxigeenkii safaaradii aynu kulahayn wadanka Uganda { yugaandha wuxuu haatan kunool yahay wadanka England.
2-      ISMAACIIL XAAJI NUUR waa aqoon yahan kuxeeldheer cilmiga badaha, wuxuu QM talooyin kasiiyaa burcad badeeda, waxna laga weydiiyaa xeerarka badda isagana LONDON buu kunoolyahay, waa nin qibrado iyo aqoon aad umihiim ah leh oo laga faaideysan karo.
3-      MR.  Bashiir Shiikh Maxamed  waa dublomaasi Soomaaliyeed, waxaana May 07, 1979 markii uu Mudane Cabdulaahi Ciise (AHN) aaday waddanka Norway si uu u soo qalqaaliyo shirkaddii batrool baarista ee WESTERN GECO, loo magacaabay inuu noqdo sii hayaha (Charge D’affaires) ee safaaradihii nooga furnaa waddamada Sweden, Denmark iyo Norway, waa nin xog aad ubadan kahayo damaca waalan ee wadamadaas, gaar ahaan Norway oo uu udiray waraaqo badan oo uu ugusheegay inuu ahaa dublomaasi waqtigaa kashaqeeyay wadnkooda, wuxuuna ugadigay qaska ay sigaar ah uwado., wuxuu hayaa document aad ubadan iyo xog , wuxuu kunoolyahay wadanka Holland.

NB. Raggaas aan kor kusoo xusay waxay dowladu  cinwaanadooda kahelikartaan {somalichanel} info@somalichanneltv TEL. 442080901915 LONDON.
DOWLADA KUMEEL GAARKA,  DOWLAD GOBOLEEDAYADA SOOMAALIYEED, IYO DHAMAAN SHACABKA SOOMAALIYEED WAXAAN LEENAHAY SIDA HOOS KUQORAN:-

Dhulbaddeedka Ummada Soomaaliyeed (Territorial waters) xadkiisu waa fogaan xeebta ka durugsan 200 oo Mayl baddeed (200nm) oo u dhiganta 370km. Qorshaheenu waa inaan kordhisanaa Qalfoofka Qaarada oo gaarsiinaa 350nm oo u dhiganta 648km oo Dhulbaddeedka wadanka (Territorial water).
  
Halku dhigeenu waa (Maya EEZ, Haa Territorial Waters) – No EEZ, yes Territorial Waters.

QORE. ABDIAZIZ KHALIIF BARE
abuhamaam@hotmail.com