Kadib markii labo maalmood kahor ay gaareen ergadiii nabada deegaano hoostaga degmada rako ee gobolka karkaar ayaa waxaa ay ku guulaysteen wajigii koowaad ee ahaa xabad joojin in la dhex dhigo beelihii walalaha ahaa ee ku dagaalamay degaanadaas .

Nabadoon cabdulqaadir axmed xarago oo ah gudoomiyaha nabadoonada gobolka bari kana mid ahaa ergadii nabadeynta ayaa warbaahinta sbc u sheegay in si weyn loogu soo dhaweeyay degaanadii ay tageen ayna bilaabeen howshii nabada maantana ay soo gaba gabeeyeen wajigii koowaad oo ahaa in la kala qaado ciidamada xabad joojina la sameeyo .

Nabadoon xarago ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in wajiga labaad uu noqon doono ka hadalka dadkii ay dhibta kala gaartay & in aysan dib danbe u dhicin dagaal iyadoo sidoo kalana u ku daray in ergo kale oo ka kala imaanaysa Puntland ay gaari doonaan deegaanadaasi .

Ugu dambayntii xabad joojintan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay tan & intii dagaalka uu ka dhex qarxay labada beelood ee walaalaha ah kuwaasoo dhibaato dhinac walba ah ay kala gaartay dagaalkan oo la sheegay in uu ka bilowday dhul daaqsimeed.

Maxamed Cali Iimaan
SBC International Boosaaso