xaalad Degenaansho ayaa laga dareemayaa deegaanka waqooyi bari ee magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan ka dib markii 24kii saac ee la soo dhaafay gudahood ay halkaasi ka dheceen dagaalo xoogan oo dhexmaray ciidamada Xarakada Alshabaab iyo ciidamada xoogaga maamulka Dooxada Shabeele ee deeganadaasi ku sugan.

Dagaalada ayaa xoogoodu waxay ka dheceen deegaanada Ceelgaal iyo Qowlad, waxaana weerarka qaaday ciidamada Xarakada Alshabaab kuwaas oo maalmo ka hor lagala wareegay mudo saacado ah magaalada xarunta u ah gobolkaas ee Baladweyne islamarkaana inta maxaabiis u xir xirnaa xabsiyada laga siidaayay hadana laga soo noqday.

Sida la xaqiijiyay dagaaladaas ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 5 qof oo labadii dhinac ee dagaalamayay ka wada tirsan, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeyn kuwaas oo badigood la gaarsiiyay goobaha caafimaad ee waaweyn ee gobolka.

Dadka deegaanada waqooyi bari ee gobolkaasi ayaa SBC u sheegay in iminka ay xaaladu tahay mid degen balse la dareemi karo xiisadii ka dhalatay dagaalka labada dhinac dhexmaray, mana ahan markii ugu horeysay oo ay deegaanada dhaca waqooyiga Baladweyne ay ku dagaalamaan labadan dhinac waa ciidamada Alshabaab oo gacanta ku haya Baladweyne iyo maamulka dooxada Shabeele ee iyana halkaasi ku sugan.

C/casiis Ok
SBC International Garoowe.