Sida ay ku soo waramayaan wararka ka imanaya magaaalda Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug gaar ahaan dhanka dowlad goboleedka Galmudug waxaa habeenadii ugu dambeysay halkaasi ka jiray falal amaan dari oo la dareemo xiliyada habeenkii ah.

Waxaa xiliyada habeenkii ah magaalada ka dhacaya rasaas aan la aqoon waxa ay tahay, taas oo mararka qaar u dhacda qaab daran dooni ah, waxayna cabsi buuxda ku abuurtay dadka shacabka ah ee magaalada degen.

Dhacdooyinkan ayaa noqday kuwo si joogta ah xiliyada habeenkii ah uga dhaca gudaha Magaalada waxaana sii dheer dhac kooxo hubeysan ay u geysanayaan dadka rayid ah iyagoona luuqyada u gala kana qaata waxyaabaha ay dadku gacantaku sitaan sida Mobilada iyo lacagaha

Majiraan cid ilaa iyo hada talaabo ka qaadeysa arimahaasi hadii ay ahaan laheyd xukuumada Galmudug iyo weliba laamaha dhinaca amaanka qaabilsan, waxayna dhacdooyinkan ku soo aadayaan xili lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Liibaan C/laahi Faarax (Liibaan Qaran)
SBC International Gaalkacyo
libaanqaran10@hotmail.com