Cairo:- wakaaladda wararka ee bariga dhexe oo soo xiganaysa mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegtay in xaaladda caafimaad ee Xusni Mubaarak ay gashay marxalad khatar ah.

Wakaaladda ayaa tilmaamtay in Mubaarak oo lagu xukumay xabsi daa’im ah uu kooma galay islamarkaana uu ku neefsanayo qalabka neefsiga.

Wakaaladda ayaa intaa ku dartay in mubaarak laga yaabo in loo qaado isbitaal milatari sida ay ku taliyeen dhaqaatiirta daweynayso.

Maamulka xabsiga loo yaqaan masracatatu Dara ee uu kujiro Mubaarak ayaa dalbaday koox dhaqaatiir ah oo kamid ah dhaqaatiirta wadnaha halkaasi oo ay baareen kadibna u qoreen dawada uu u baahan yahay.

Mubaarak ayaa xaaladdiisa caafimaad ka sii dartay kadib markii laga soo qaaday isbitaalka xabsiga kadibna lagu xukumay xabsi da’im ah.

Sidoo kale xaaladda caafimaad Mubaarak ayaa ka sii dartay kadib markii ay soo booqdeen xaaskiisa Suzan Thabit iyo wiilashiisa Jamaal iyo Calaa.

Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak ayaa Maxkamad ku taal dalka Masar ku xukuntay Xabsi daa’in

Mubarak oo ah 84- jir ayaa noqday hogaamiyihi ugu horeeyey oo Carab ah oo la xakumo kadib marki xakunka loogaga riday kacdoon shacab, waxa kale uu noqday madaxweynihi ugu horeeyey ee ay shacabkiisa cadaalada horkeenaan ee ka mid ahaa hogaamiyaashi uu saameeyey kacdoonkii Guga Carabta.

Mubarak, oo xukumayey wadanka 30 sanadood ayaa waxa laga baqayey in lagu xakumo dil toogasho ah hase yeeshee xakunkiisa waa la fududeeyey.

 

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring