Xaalada Deegaano hoostaga Magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan islamarkaana kaga beegan dhanka waqooyi bari ayaa degen ka dib dagaalo u badnaa madaafiic oo saaka halkaasi ku dhexmaray labada dhinac ee halkaasi isku haya waa ciidamada Maamulka Xarakada Alshabaab ee gacanta ku haya Baladweyne iyo kuwa Maamulka Dooxada shabeele ee isagu halkaasi ka dagaalama .

Saaka daryanka Madaafiicda culus ayaa laga maqlayay deegaanada Bacda, Qowlad iyo Ceelgaal ilaa iyo iminkana lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay isu jabaabida madaafiicda culculus ee labada dhinac ay isku adeegsadeen .

inkastoo xaalada Degenaansho ee la dareemayo aheyn mid cago buuran ku taagan ayaa hadana waxaa ay xaqiijinayaan dadka deegaanadaasi ku sugan in ay dadka bilaabeen dhaq dhaqaaq ganacsi iyo isu socodka dadka, waxaana jira dareenka xiisado colaadeed iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo huban udiyaar garow dagaal oo goobahaasi kajira.

Sikastaba ha ahaatee majiraan ilaa iyo iminka wax war ah oo ka soo kala baxay labada dhinac waa ciidamada Maamulka Dooxada Shabeele iyo xarakada Alshabaab, waxaase jira cabsida dadka ay ka muujinayaan xiisadaha dagaal ee halkaasi ka jira.

C/casiis Ok
SBC International Garoowe./