Xaalada deegaano ka mid ah gobolka Gedo oo Maalin nimadii shalay ka dheceen dagaalo ayaa lagu soo waramayaa maanta in ay degenyihiin,

 

Sida ay xaqiijinayaan qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay qalabka warbaahinta waxaan jirin maanta dagaalo iyo colaado u dhexeeya xoogagii shalay ku dagaalamay deegaano hoostaga Degmada Buusaar ee gobolkaasi Gedo.

 

Ciidamada Dowlada KMG ah kuw Kenya iyo weliba Xarakada Alshabaab Almujaahidiin ayaa shalay halkaasi ku dagaalamay waxaana dhexmaray dagaal xoogan oo labada dhinacba ay guulo ka kala sheegteen.

 

Saraakiil u kala hadlay Ciidamada DKMG ah iyo xarakada Shabaabul mujaahidiin ayaa ku kala dhawaaqay guulo ay ka kala gaareen midba midka kale iyo khasaarooyin ay kala gaaray.

 

Dhinaca kale dadka ku dhaqan deegaanada waaweyn ee gobolka ayaa si balaaran u hadalhayay maanta hadalo ka soo yeeray Dowlada dalka Kenya kaas oo ahaa in dadku ay isaga barakacaan guryahooda ayna duqeyn geysandoonto, gaar ahaan fariisimo ay sheegeen in ay goobahaasi ku leeyihiin xarakada Alshabaab almujaahidiin.

 

C/khadar Maxamed Siraad
SBC International Gedo.