Xaalada deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud oo ay saaka ku dagaalameen ciidamada Culimaaudiinta Ahlusuna waljameeca iyo Xarakada mujaahidiinta Alshabaab ayaa laga soo sheegayaa degenaansho.

Beerta Xookeeye iyo deegaanka Bulacle oo 30 km u jira magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolkaas ayaa waxaa saaka ka dhacay sagaal xoogleh oo ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Inkastoo iminka ay xaaladu tahay mid degenaanshihii ku soo laabatay, ayaan hadana la xaqiijin Karin khasaaraha dhabta ah ee dhashay hadii uu noqonlahaa mid soo gaaray labada dhinac iyo mid soo gaaray dadka rayidka ah.

Waxaa lasoo tabinayaa sidoo kale in labada dhinac ay is horfadhiyaan xiisada dagaalna ay taahy mid la filan karo,

Iyadoo ay xaaladu sidaas tahay ayaa hadana waxaa ka hadlay saraakiil ka tirsan Ahlusuna waljameeca dagaalada dhacay maanta iyagoona u sheegay xafiiska SBC International ee gobolkaas in dagaalka ay ka soo hoyeen guulo islamarkaana goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xarakada Alshabaab ay dib uga riixeen sida uu hadalka u dhigay, Ma jiraan hadalo arimahan ku aadan oo xarakada Alshabaab ka soo baxay  .

Sikastaba ha ahaatee Dagaalkii maanta ayaa waxaa uu saameyn buuxda ku yeeshay dadweynaha rayidka ah ee ku dhaqan deegaano ay ka mid tahay Dhuusamareeb kuwaas oo markii ay maqleen dagaaladan barakac ku dhaqaaqay .

C/Jamaal Macalin Axmed

SBC International Galgaduud.