Xaalada Deegaanka jilib ee Gobolka Jubada dhexe ayaa saaka degen ka dib markii shalayto halkaasi ay ka dheceen duqeymo ay geysteen diyaarado 2 ah oo nooca miiga looyaqaano ah.

Dadka deegaanka ayaa muujinaya Cabsi xoogan oo ay ka qaadeen diyaaradii shalay duqeeyay deegaanka iyagoona qaarkood ay sameynayaan Barakac iyagoona u socdaalaya deegaanada Miyiga ah ee ku yaala gobolka .

“Waxa ay naxdin baahsan ka qaadeen dadka Dhacdadii shalay ee duqeynta, waxaanay dhamaantood yihiin kuwo feejigan oo isku dayay in ay ka tagaan goobaha la is orankaro way beegsan karaan diyaaradahan shisheeye” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Xafiiska warqabadka SBC International ee Gedo.

Marka laga yimado Xaalada oo degen iyo dadka oo feejigan hadana waxaa deegaanka siweyn looga dareensanyahay dhacdii shalay ee duqeynta aheyd taas oo ay ku geeriyoodeen Qoys u badan Caruur ayna ka badbaadeen keliya Waalidoontooda, taas oo ay dadka ku tilmaameen mid waxuushnimo ah.

Diyaaradahan duqeynta ka geystay Jilib ayaa waxaa la rumeysanyahay in ay ka yimaadeen dhanka dalka Kenya lagana leeyahay, iyadoona ay u danlahaayeen in ay duqeeyaan fariisimo ciidamada Alshabaab ay ku leeyihiin deegaanka maadaama ay gacan kuheyntiisa ay iska leeyihiin Xarakada Alshabaab.

C/Khadar Maxamed Siraad
SBC International Gedo.