Xaalada dad ay dhaawacyo gaarsiiyeen Eeyo xanuunsan ayaa laga deyrinayaa xaaladooda kuwaasi oo iminka la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho xarunta dalka.
Dadkani ayaa laga keenay deegaanka Buulo mareer ee Gobolka Shabeelaha hoose waxaana dhaawacan uu yimid ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen eeyo qaba cudurka raabiyada looyaqaan .
Wararku waxay intaasi ku darayaan in dadkani oo ay tiradoodu kor u dhaafeyso 30 qof ay la liitaan dhaawacyada Soogaaray iyadoo laga cabsi qabo in ay qaadaan cudurka Raabiyada ee ay qaadaan inta badan dadka ay qaniinaan eeyaha cudurkaasi qaba.
Waxaa dadkaasi ku jira Caruur iyo haween waxaana lagu soo waramayaa in aanay heysan daawada ka hortagta qaniinyada Eeyaha qaba cudurkaas.
SBC International Muqdisho
Daalacatey :542