Xaalada Magaalada Baydhabo Xarunta gobolka Baay ayaa soo hagaageysa ka dib isku dhacyo ciidamo gadood ah iyo bulshada ku dhaqan magaaladaas oo saacadihii la soo dhaafay ka jiray magaaladaas.

Ciidamo aad u tiro badna ayaa magaalada ku soo qul qulayay maalmihii la soo dhaafay iyagoo qaab gadood ah ku imanayay magaalada, waxayna soo faarujiyeen jiido dagaal oo ay ku sugnaayeen.

Maamulka Gobolka Baay iyo kan degmada ayaa ku guda jira howsha ciidamadan, waxaanu sheegay duqa degmada Baydhabo Xasan Macalin Bikolo oo saxaafada la hadlay in iminka ay xal ka gaareen kana dhaadhiciyeen ciidamadaas in ay dib ugu laabtaan goobihii ay ka soo gadoodeen .

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa ka cabana mushaaharaad ay leeyihiin mudo bilooyin ah kuwaas oo aan la siin, dhibaatooyin kale oo nolol xumi ahna ay soo food saartay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay ciidamo gadood ah gudaha u galaan Magaalada Baydhabo taasina waxaa cabasho ka muujiyay dadweynaha ku dhaqan magaaladaas iyagoo sheegay in ay ciidamadan ku dhaqaaqaan waxyaabo ka dhan ah shacabweynaha magaalada.

SBC International Baydhabo