Gudoomiyaha Xerada Ciise oo ay ku jiraan dad barakacayaal ah ee magaalada Gaalkacyo dhinaca Galmudug Sahro Sheeq Ibraahin ayaa mar ay soo booqatay xafiiska warbaahinta SBC ee magaalada Gaalkacyo wax ay ugu war bixisay xaalad nolol xumo oo soo food saartay dadka qaxootiga ah ee ku sugan kaamkas.

Sahro Sheeq ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in  dadka halkaasi kusugan ay laliitaan cuno la.aan biyo la aan dawo la aan iyo dacdaro aan la soo koobikarin.

Kaamkaan ayaa waxaa ku sugan dad aad u faraban oo u badan kuwo kasoo barakacay koonfurta Soomaaliya, gobolada dhexe iyo waliba baadiyaha goblka Mudug oo ah reer guraagii xooluhu kadhamaadeen Abaartii dalka sanadkii aynu so dhaafnay

Ugudanbeeytii sahro waxaa ay codsi udirtay dadka Soomaaliyeed iyo haydaha inay gargaar lasoo gaaraan dadkaasi dhibaateeysan.

Liibaan C/laahi Faarax Qaran
SBC International Gaalkacyo