Mid ka mid ah xujeydii dhawaan ILAAH u suurtagaliyey in uu sanadkan gudato waajibaadka Xajka kana mid ahaa malaayiintii Xujeyda Muslimiinta ee gutey waajibaadkaasi ayaa isagoo isku diyaarinaya diyaaradii uu raaci lahaa dalkii uu ka yimid, kuna sugan garoonka diyaaradaha ee King Abdul Aziz International Airport ee magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga wuxuu si kadis ah ugu geeriyoodey hoolka ay ka ambabaxaan dhoofayaasha (Departure hall).

Marxuumkan oo ka yimid dalka Pakistan ayaa magaciisa lagu sheegay Abdul Rahman Al-Hajj wuxuuna sugayey diyaarad ku sii jiidey magaalada Karachi balse waxaa dib u dhacay duulimaadkaasi oo lambarkiisu ahaa Pk 2010 mudo shan saacadood ah, iyadoo halkaasi uu ku geeriyoodey Xaajiga reer Pakistaan.

Warar dhanka caafimaadka ayaa sheegaya in Xaajiga uu ku soo boodey wadne xanuun iyadoo isla markiiba uu goobtii ku dhacay uuna u geeriyoodey wadno xanuunkaasi.

Xaajiga ayaa la sheegay in aanay la socon wax dad ehel ah, iyadoo la sheegay in geeridiisa lagu wargaliyey safaarada Pakistan ay ku leedahay wadanka Sacuudiga, waxaana la filayaa in dhawaan loo duuliyo meydkiisa Pakistan si halkaasi loogu aaso.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com