Caawa waxaa loo balansanaa in ay kukulmaan tartanka Kediska SBC afarta xaafad ee u soo baxay wareega Sami Final-ka kuwaas oo kala ahaa xaafada Biyo kulule Boosaaso, Qoryacad Qardho, Xingood Qardho iyo Xorgoble Qardho ,

Qeybtii hore ee Tartanka caawa ayaa waxaa fooda is daray xaafadaha Ingood Qardho Vs Qoryacad Qardho, waxaana ay ku soo dhamaatay meeshiina ay ku hartay xaafada Qoryacad halka ay Finalka u gudubtay Xaafada Xingood.

Qeybtii labad ayaa waxaa kulmay xaafadaha Biyo kulule Boosaaso Vs Xorgoble Qardho, waxaana kulankaasi uu ku soo dhamaaday guushiina ay ku raacday Xaafada Xorgoble Qardho oo u soo gudubtay wareega kamadambeysta ama Finalka halka Biyo kulule Boosaaso ay sidaasi ku hartay balse ay noqotay Xaafada galeysa kaalinta Sadaxaad.

Waxaa intaasi ku soo dhamaaday is ar araga xaafadaha 14ta ah ee kediska Ramadaanka SBC oo ay ka soo hareen 2 xaafad oo qura kuwaas oo kulankoodu dhici doono bacdal Ciid isagoona la iclaamiyay in uu ka dhaco magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar Puntland.

Khaalid Cayuuni
SBC International
khaalidcayuuni@gmail.com