kedis-logo-2013-jpg
Xalay Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC waxaa ku kulmay Laba xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 16da ah ee sanadkan ka qeyb galaya,

Labada Xaafadood ee fooda isdaray xalay ayaa ka kala dhisnaa Magaalooyinka Boosaaso iyo Baargaal , waxayna kala ahaayeen Xaafatul Carab Bosaso Vs Sandhuubo Baargaal.,

Labadan Xaafadood ayaa waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 16 su’aalood waxyna midiiba laheyd 8 islamarkaana u qabsaneysay qaab lambar dorasho ah.

Gudiga Tartanka iyo labada xaafadood ayaa u guda galay Tartanka waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in ay guushu ku raacdo.

Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gaboobay Bar bar dhac Xaafada Sandhuubo oo la timid 16 dhibic halka Xaafada Xaafatul carab Boosaaso ay la timid 16 dhibic,

Caawa waxaa fooda is dari doona labada xaafadood ee aan kala dhicin waa xaafadaha, Xorgoble Qardho Vs Laanta Hawada Boosaaso.

Kediska ramadaanka SBC waa Barnaamij sanadkasta xiliga bisha ramadaan lagu tartan siiyo xaafadaha ka kala dhisan magaalooyinka iyo deegaanada Puntland, waxaana sanadkan ka qeyb galaya 16 xaafadood .

Khaalid Maxamuud
SBC International